DAAWO: Mudaaharaad aan noociisa horay loo arag oo ka dhan ah Benjamin Netanyahu

0

(Tel Aviv) 20 Abriil 2020 – Dibedbaxayaal Israeli ah ayaa raxan raxan usoo baxay si ay u muujiyaan diidmadooda Benjamin Netanyahu, kuwaasoo dadka uga yaabiyey sida ay u ilaaliyeen kala sikashada karoonuhu keenay.

Mudaaharaadkan oo ku qabsoomay fagaaraha Tel Aviv ee Rabin Square oo aalaaba dibed baxyada lagu qabto ayay dadku min 2 mitiri isu jirsadeen.

Dadka dibadbaxayey oo uu warqaadka liberaalka ah ee Haaretz ku qiyaasay ilaa 2,000 ayaa inta ay isu jirsanayaan waxay ku calaameeyeen istillaab madoow.

Dibedbaxan oo rukhsad ka haysta Booliiska ayaa lagu armay inay dhowraan hab-raacyada koroonaha oo ay ku jirto in lakala fogaado, waana qayb ka mid ah dibedbaxyada socda ee Calanka Madoow (‘Black Flag’) la yiraahdo.

Hadalsame Media