Somalia oo loo soo iibinayo qalabka ugu casrisan ee lagula tacaalo Covid-19

0

(Muqdisho) 17 Abriil 2020 – RW Xasan Cali Khayrre ayaa daboolka ka rogey in Bankiga Adduunku uu ka aqbalay codsi ay u jeediyeen oo ay ku dhigeen in DF laga caawiyo soo iibsiga qalabka lagula tacaalo caabuq sidaha Coronavirus.

“Wuxuu Bankiga Adduunku naga aqbalay inuu noosoo iibiyo qalabka caafimaad ee aadka loogu baahan yahay si loola tacaalo cudurkan Covid-19,” ayuu yiri Kheyrre oo xalay shacabka la hadlay.

RW Khayrre ayaa sidoo kale tilmaamay in ay DF sidoo kale deeq bixiyeyaasha caalamka ka codsatay in muddada uu jiro cudurkan laayaanka ah kaalmooyinkii la siin jirey dalka loo weeciyo dhanka dhinaca caafimaadka iyo taakulaynta danyarta uu cudurkani saameeyay noloshoodii.

Khayrre ayaa sidoo kale sheegay in ay Maraykanka iyo Yurub waydiisteen in la fududeeyo kharashaadka la marsiinayo bankiyada iyo xawaaladaha.

Wuxuu dhanka kale sheegay in la kordhin doono tirada goobaha caafimaad ee lagula tacaalo cudurka Covid-19, si dadka loo baaro loona daweeyo, isagoo sheegay inay ku howllan yihiin soo iibinta agabyo caafimaad oo cudurkan asaasi u ah.

Wuxuu Kheyrre ugu dambayn ganacsatada faray inay shacabka u dhimriyaan oo aanay sicirka ku qaalilayn, isagoo culimadana ugu baaqay inay shacabka ku boorriyaan inay guryohooda joogaan kuna cibaadaystaan.

Hadalsame Media