”Maba isticmaalno qaabkaas!” – Sabab muujinaysa inuu been abuur yahay war ay faafisay saxaafadda Kenya oo lasoo bandhigay

0

(Muqdisho) 18 Abriil 2020 – Warbixin dacaayad loo qaatay oo ay daabaceen qaar ka mid ah warbaahinta Kenya ee furunta dagaalka uga jirta dacaayadda Kenya, ayaa waxaa beeniyey sarkaal sare oo ka tirsan shirkadda xawilaadaha Taaj Money Transfer.

Warbixinta oo ay qoreen The Star iyo Standard Digital, ayaa waxay sheegtay in nin “ka tirsan kooxda Al-Shabaab” uu u dusiyey xog ku aaddan in saraakiil sare oo ka tirsan NISA ay Al Shabaab kula heshiiyeen in la weeraro ciidamada KDF oo Kenya ka joogta Somalia.

Wargaysyadan ayaa deeto daabacay nuqul ka mid ah qaan sheegto ay sheegeen in USD 1.5 milyan oo doollar Sheekh Filow oo Shabaab ka tirsan loo mariyey Cabdullaahi Aadan Kullane.

Yeelkeede, sarkaal ka tirsan Taaj oo aan magaciisa sheegin ayaa sheegau in risiidka ay daabaceen The Star iyo The Standard uu yahay mid been abuur ah oo la macmalay.

“Qaan sheegtadu waa been abuur, waana muuqataa in la macmalay.” ayuu yiri isagoo weliba sheegay inay laba todobaad kahor ay sii ogaayeen arrinta ku saabsan risiidkan.

“Lambarrada ku qoran risiidku kamaba jiraan nidaamkeenna.” ayuu daba dhigay.

DF Somalia ayaa iyaduna warkan ku tilmaantay mid aan sal iyo baar toona lahayn.

Hadalsame Media