DEG DEG: Turkiga oo Somalia u diray dayuurad sida agab caafimaad oo muhim ah + Sawirro

0

(Ankara) 17 Abriil 2020 – Dalka Turkiga oo olog la ah Somalia ayaa ugu dambayn soo raray dayuurad sidda shixnad ka kooban agab caafimaad oo lagula tacaalo cudurka Covid-19.

Agabkan oo iskugu jira maasgarayaal dawaysan, suudad gaashaaman iyo kuwa wax lagu baaro ayaa waxaa haatan dayuurad laga saaray dalka Turkiga.

Weli ma hubbana inay ku jiraan mashiinnada neef-siiyeyaasha ah ee muhimka u ah la tacaalidda cudurkan iyo in kale.

“Ilaa iminka waxaannu kaalmo agab caafimaad ah gaarsiinney 34 dal,” ayuu horay u sheegay MW Recep Tayyip Erdoğan oo shalay saxaafadda la hadlayey kaddib kulan uu Golaha Wasiirrada kula yeeshay Istanbul, isagoo sheegay inay dalab ka heleen ilaa 90 dal.

Waxaa dalalkaasi kala yihiin Azerbaijan, Bosnia-Herzegovina, Bulgaria, China, Colombia, Georgia, Germany, Hungary, Indonesia, Iran, Israel, Italy, Kosovo, Lebanon, Libya, Montenegro, North Macedonia, Pakistan, Palestine, the Philippines, Poland, Qatar, Serbia, Somalia, Spain, Tunisia, the Turkish Republic of Northern Cyprus (TRNC), the U.K, the U.S., Yemen, iyo Muslimiinta Rohingya.

Hadalsame Media