”Waa diidney!” – Dad rayid ah oo Maraykanka ka dhigay dibed-bax hubaysan + Muuqaal & Sawirro

0

(Lansing, MI) 16 Abriil 2020 – Kumanaan dibad baxayaal ah oo ay qaarna lugaynayaan qaarna ay gawaari ku joogaan ayaa gunuunuc hubaysan ka keenay amarkii maamul-goboleedka Michigan ee ahaa inay guryaha joogaan, iyagoo gobolka ka codsaday in howlohooda loo fasaxo.

‘Waxaa la gaarey xilligii wax kasta uu gobolku furi lahaa’ ayay tiri haweeney dibad baxaysey oo gaari ku joogtey.

‘Waannu ka daalney inaan iibsan kari wayno waxyaabaha aannu u baahan nahay ama aannu burkiyeeriga aadno’ ayay daba dhigtay.

Barasaabka gobolka oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, Gretchen Whitmer, ayay aad u bartilmaameedsanayeen taageerayaashan oo aad ula dhacsan MW Trump.

Qaar baa ku qaylinayey ‘halla xiro iyada’ mar ay taagnaayeen jaranjarada laga galo rugta maamulka ee caasimad-goboleedka Lansing.

Whitmer oo dibed baxa kaddib hadashay ayaa waloow ay sheegtay inay fahmi karto cabashada dalka, misna wax lala yaabo ku tilmaantay in ay doonayaan in la qaado tillaabo cudurka sii faafinaysa.

”Orod oo bannaanka usoo bax, balse kaligaa ayaad koroona u dhiman doontaa” ayay xusuusisay.

Gobolka Michigan ayaa waxaa ilaa haatan ku dhintay 1,900 oo qof oo uu haleelay caabuq sidaha coronavirus.

Maraykanka ayaa ah dalka qura ee dunida ku yaalla oo ay shacabku si furan hubka suuqyada uga soo iibsan karaan.

People take part in a protest for “Michiganders Against Excessive Quarantine” at the Michigan State Capitol in Lansing, Mich. on April 15, 2020.

People take part in a protest for “Michiganders Against Excessive Quarantine” at the Michigan State Capitol in Lansing, Mich. on April 15, 2020.

Hadalsame Media