”Sii daaya!” – Hay’adda Amnesty International oo war kasoo saartay xabsiga Coldoon

0

(Hargaysa) 17 Agoosto 2020 – Warsaxaafadeed ay Haayadda Amnesty International ka soo saartay xafiiskeeda Nayroobi ayay ugu baaqday xukuumadda Somaliland inay xorriyaddiisa u celiso Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah suxufi muddo sannad ah ku xidhan Somalialnd, sidoo kale waxa ay haayaddu u baaqday in dib u habayn lagu sameeyo Xeerka Ciqaabta ee ay Somaliland ku dhaqantto oo la qoray 1962-kii, kana hor imanaya dastuurka.

Warsaxaafadeedkaas ayaa u dhignaa sidan:

Xukuumadda Somaliland Waa Inay Sii Deyso Suxufiga Xabsiga Ku Jira Ee Cabdimaalig Muuse Coldoon

Haayadda Amnesty International waxa ay xukuumadda Somaliland ugu baaqaysaa in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u sii deyso suxufiga xidhan ee Cabdimaalig Muuse Coldoon, kaas la taxaabay iyada oo aan sabab macquul ah loo haynnin sannad ka hor maanta oo kale, waxaana lagu xidhay xuquuqda uu u leeyahay in uu cabbiro dareenkiisa. Amnesty International waxa wereer ku haya suxufiga keliya xorriyadda looga qaaday adeegsiga xuquuqda aragti-dhiibashada oo maanta halis ugu jira khatarta sii korodhay ee xanuunka dunida ku faafay ee COVID 19.

1dii Abril 2020ka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu cafiyay 574 maxbuus oo ku kala xidhnaa guud ahaan Somaliland, si uu u fudududeeyo maxaabiista tirada badan, loona xakameeyo fiditaanka Covid 19 ee dalka. Xukuumadda Somaliland waa inay xorriyaddiisa u celiso Suxufi Cabdimaalig Muuse Coldoon oo ay ahayd in aan loo haynnin ama aanu ku jirin kuwa sida gaarka ah loo ilaalinayo.

Suxufiga madaxa bannaan ee Cabdimaalig Muuse Coldoon waxa laga soo qabtay dibadda gurigiisa Burco 17kii Abril 2019ka, waxaana lagu sababeeyay in uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku dhaliilay Facebook, waxaana lagu lagu oogay 6dii Julaay 2019ka in uu faafiyay dacaayado ka dhan ah qarannimada iyo baahinta warar been-abuur ah. 8dii Julaay 2019ka ayay Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ku ridday suxufiga xukun dhan saddex sanno iyo badh. Xukunkii kii la midna waxa xoojisay maxkamadda rafcaanka 29kii Sebtember 2019ka. Cabdimaalig waxa uu hadda waa xukunsane ku jira Xabsiga Dhexe ee Hargeysa

Amnesty waxa ay waraystay suxufiga iyo garyaqaannadiisa xilli ay wefdi xaqiiqi-raadn ahi yimaaddeen Hargeysa inti u dhexaysay 15-24 Juun 2019ka, waxaanay ka qayb gashay dhegaysiga dacwadda. Haayadddu waxa ay ogaatay in suxufiga loo bar-tilmaameedsaday gudbinta aragtiyo xasaasi ah. Garyaqaannadiisu waxa ay haayadda u sheegeen in qabashadiisa iyo eedaha ku xigaaba ay ahayd kuwo aan dheellitirnayn oo ay siyaasadi dabada ka riirxayso. Mid qareennadiisa ka mid ah oo ah Mubaarig Cabdi waxa uu joojiyay shaqadiisii ahayd inuu ahaado qareen maxaabiista difaaca Sebtember 2019kii, isaga oo ku sababeeyay cagajuglayn, hanjabaad iyo awood-sheegasho uga imanaya xukuumadda Somaliland.

26kii Juun 2019ka waxa ay haayadda Amnesty marag ka ahayd saraakiil boolis ah oo jooga Maxkamadda Maroodijeex oo u awood-sheeganaya, iskuna deyaya inay Garyaqaan Mubaarig ka celiyaan in uu gaadho halkii maxkamadda ee wakiilka uu kaga noqon lahaa suxufiga.

Xadhigga Cabdimaalig waxa uu ahaa mid aan qorshe lahayn waxaana la fuliyay iyada oo loo sidan waaran sharci ah, sidaas awgeedna waxa uu jebiyay qodobka 25(2) ee dasstuurka Somaliland oo caddaynaya inay boolisku haystaan waaran ka soo baxay garsoore inta aanay gacanta ku dhigin shakhsiyaadka.

Dastuurka Somaliland waxa uu dammaanad-qaadanayaa xuquuqda qofku u leeyahay inuu aragtidiisa cabbiro iyo madax-bannaanida saxaafadda, laakiin xeerka ciqaabta ee 1962kii waxa ku jira qodobbo aan si cad u qeexnayn oo sheegaya in ku xadgudubka sharafta iyo sumcadda madaxa dawladda, sarkaal dawladeed ama haayad ama ixtiraam la’aanta dawladda, calanka ama qaranka lagu mutaysan karo ciqaab dhan saddex sanno oo xadhig ah.

Si taas la mid ah xeerarka sumcad-dilka waa in aan marnaba loo adeegsan in lagu aammusiiyo suxufiyiinta, difaacayaasha xuquuqda aadamaha iyo u-dhaqdhaaqeyaasha xuquuqda. Weerarka lagu qaado suxufiyiinta iyo u dhaqdhaaqeyaasha xuquuqda iyada oo la adeegsanayo xukun-dembiyeedyo sumcad-dil ahi waxa ay burinaysaa xaqa ay u leeyihiin inay dareenkooda gudbiyaan iyo iyo xornimada saxaafadda. Guddida xuquuqda aadamaha ee Qaramada Midoobay waxa ay caddeeyeen inay tahay dawladuhu in aanay dembi ka dhigin sumcad-dilka iyo wixii la mid ah marka lagu jiro xaaladaa xasaasiga ah: Xadhiggu marna maaha ciqaab ku habboon.

Waxa Tarjumay: Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi): Qoraa, Hal-abuur iyo bare ku nool magaalada Hargeysa

Hadalsame Media

Facebook Comments