Somalia oo ”suuq cusub” u heshay xoolaha nool ee ay dhoofiso (Xoolo dhoofay)

0

(Musqat) 16 Abriil 2020 – In ka badan 18,000 oo neef oo ido ah laga dhoofiyey dalka Somalia ayaa ka degey dekedda magaalada Salalah ee dalka Cumaan.

Cumaan ayaa tillaabadan u qaadday inay ku caadiyayso saanadda cunto ee ay heli karto xilligan uu dunida ka jiro cudurka Covid-19, halka ay Somalia ka heleeyso kaash adag.

War kasoo baxay Wasaaradda Beeraha iyo Kalluumaysiga ayaa lagu sheegay in 18,610 ido ihi kasoo galeen dhanka Somalia, si aanay u waxyeelloobin ama u kala go’in baahida dhanka hilibka idaha.

“Waxaa la dhamaystirayaa karaantiil iyadoo mudadaa la baarayo caafimaadka idaha, si loo hubiyo inay qabaan wax cudur ah kahor inta aan dadka loo fasixin,” ayay u dhignayd warqad kasoo baxday Wasaaradda.

Cumaan oo aan inta badan suuq fadhiya u ahayn xoolaha Somalia ayaa noqon kara fursad cusub oo ay Somalia ku tashan karto.

Hadalsame Media