Yuhuudda oo la arkay iyaga oo ku candhuufaya albaabada guryaha & gawaarida Falastiiniyiinta

0

(Khaliil) 15 Abriil 2020 – Yuhuudda degaamaysatey dhulalka reer Falastiin ayaa la timid hab-dhaqan aad looga yaqyaqsoodo, kaddib markii ay kaamiradu qabatay iyagoo ku candhuufaya albaabadda guryaha Falastiiniyiinta, jeer laga cabsanayo caabuq sidaha coronavirus.

Kaamirada CCTV ee jidadka magaalada Hebron ama Al-Khalil ee koonfurta Daanta Galbeed oo 30 KM ama 18.6 mayl koonfur kasii xigta magaalada Quddus ayaa qabatay Yuhuud ku candhuufaysa albaabada guryaha, dukaamada iyo xitaa gawaarida Carabta.

Sawirradan iyo muuqaalladan ayaa cabsi wayn ku abuuray dadka reer Falastiin, kuwaasoo Yuhuudda meesha deggan iyo askartooda ku tuhunsan inay cudurka ku faafinayaan si kas ah.

Tirada kiisaska cudurka Covid-19 ayaa Israel hadda ka maraya 12,046, dhimashaduna waa 123. Halka Falastiin laga helay 329 iyo 2 geeri ah.

Suzan Owawi, oo xubin ka ah dowladda hoose ee Hebron ayaa sheegtay in dhaqankan aabiga ah looga dan leeyahay in lagu argagixiyo dadka degaanka, iyadoo sheegtay inay jeermis dile ku buufiyeen jidadkii shilalkan laga soo weriyey oo dhan.

Arrinta faafitaanka cudurka ayaa la sheegay inay qayb ahaan ka dambeeyaan Yuhuudda xag-jirka ah ee loo yaqaan Haredi-ga, kuwaasoo diiddan go’aamada dowladda sida karaantiilka, handaraabka iyo kala durugga, waxaana ka walaacsan dowladda.

Hadalsame Media