KASHIFAAD: Safaaradda Sucuudiga oo mar xadday Baasaboorkii Jamaal KHASHUUQJI & ujeedkii laga lahaa!!

0

(Ankara) 15 Abriil 2020 – Niman ka tirsan sirdoonka Sucuudiga ayaa la sheegay inay soo xadeen Baasaboorkii weriyihii ka tirsanaa Washington Post ee Jamal Khashoggi, si ay taasi u keento inuu tago Safaaradda Sucuudiga, sida uu sheegay Guddoomiye Xigeenka Xisbiga AK Party ee Turkiga, Yasin Aktay, oo soo xigtey qof saaxiib la ahaa weriyaha la khaarajiyey.

Aktay, oo laftiisu saaxiib dhow la ahaa Khashoggi ayaa ka marqaati furaya dacwad ka socota kiiskii weriyaha, ayaa sheegay in Safaaradda laga soo amray in lasoo xado Baasaboorka Jamaal kaasoo laga soo qaaday gurigii uu ka deganaa Washington.

Ujeedka laga lahaa waxay ahayd inuu tago Safaaradda Sucuudiga ee Washington DC, si uu u dalbado Baasaboor kale, maadaama uu u maleeyay in uu ka lumay.

Markii uu Safaaradda tegey waxaa lagu waajibiyey inuu telefoonka kula hadlo Amiirka Muhammad bin Salman (MBS), kaasoo aad iskugu dayey inuu ka dhaadhiciyo inuu Sucuudiga kusoo laabto.

Khashoggi oo shakiyey ayaa sheegay in howlwadeennada Safaaraddu ay u dhaqmayeen sidii inay filayeen inuu imanayo, markii uu gurigiisa ku laabtayna uu Baasaboorkiisii dib u helay, taasii sii kordhisey shakigiisa, wuxuuna saaxiibkii u sheegay in ay Safaaraddu arrintaa ka dambeeysey oo qorshaysay, sida uu maxkamadda ka sheegay Md Aktay.

Aktay ayaa sheegay in ay Khashuuqji ugu dambeeysey bishii Agoosto 2018-kii, goortaasoo uu isaga u sheegay inuu maamulka Sucuudigu bilaabay inay ka takhalusaan mucaaradka kala jooga England, Lebanon, Germany iyo Egypt, balse wuxuu aaminsanaa inuu aamin ku yahay Istanbul isagoo ku fikirayey in aanu Sucuudigu halis gelin doonin xiriirka uu la leeyahay Turkiga.

Si kastaba, Khashuuqji ayaa lagu dhex qalay Qunsuliyadda ay Sucuudigu ku leeyihiin Istanbul 2-dii Oktoobar, 2018. Maydkiisa il lama saarin abid.

Hadalsame Media