SAWIRRO: Ciidamada ay Turkigu taageerayaan ee Libya oo dhulkii ugu ballaarnaan qabsaday Khaliifa Xaftar (Hub ay leeyihiin Masar & Imaaraadka oo…)

0

(Tripoli) 15 Abriil 2020 – Afhayeen u hadlay Dowladda GNA ee dalka Libya ee uu Turkigu taageero, Mohammad Qanunu, ayaa maanta sheegay inay qabsadeen dhul ka badan 3,000 KM  oo jibbaaran, todobaadkan oo qura.

Sida ku qabo Qanunu, ciidamadooda ayaa dhulkan ka xoreeyey maliishiyaadka Libyan National Army (LNA) kaddib markii ay weerar ka bilaabeen kala bayrka Surman.

Wuxuu sheegay inay dhabarka ka wareemeen ciidamada Field Marshal Khaliifa Xaftar oo hadda noqday hoggaamiye kooxeed, kaddib markii ay weerar rogaal celis ah qaadeen ciidamada Al-Wefaq” oo ka tirsan GNA.

Wuxuu sheegay inay qorraxdu ugu dhacday Surman iyo Sabratha (oo 70 km galbeed kaga beegan caasimadda Tripoli), iyagoo galay magaalooyinka Al-Ajilat iyo Mleitah, Zaltan, Rikdalayn, Al-Jameel, iyo Al-Asa.”

Wuxuu kaloo sheegay inay la wareegeen “hub iyo rasaas badan oo ay ku qoran yihiin magacyada dalalka Imaaraadka iyo Masaarida oo ay ku jiraan 6 gawaarida gaashaaman ah oo Imaaraati ah iyo 10 taangi iyo tikniko daraasiin ah.”

Turkiga ayaa agab ciidan ka iibiyey Dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee GNA (Government of National Accord), taasoo keentay inay dib u riixaan ciidamada LNA.

Hadalsame Media