Xog naxdin leh oo kasoo korortay kufsiga Jannaale (Wasaaradda Gaashaandhigga oo baaritaan bilowday)

0

(Jannaale) 16 Abriil 2020 – Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia ayaa baaritaan ku bilowday kufsi loo gaysey haweenay xaamilo ah iyo gabar da’ yar oo ka dhacday Degmada Jannaale ee SH. Hoose.

Kufsigan ayaa la sheegay inay gaysteen xubno ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, iyadoo ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay iminka baaritaan ku bilowday shilkan oo meel uga dhacaya sumcaddii ciidamada iyo kalsoonidii lagu qabi lahaa.

Wasiirka Warfaafinta maamulka KG Somalia, Ugaas Xassan Cabdi Maxamed, ayaa warbaahinta u sheegay in dhibanayaashu yihiin gabar aan qaan gaar ahayn oo 13-jir ah iyo haweenay uur leh.

Wuxuu sheegay inuu aad uga argagaxay kufsiga labadan qof oo ay kufsadeen ciidamadii halkaa loo geeyey inay ilaaliyaan.

Jannaale waa magaalo beeraleey ah istaraatijina ah oo ay bishii tagtay ay Ciidamada Xooggu ka qabsadeen kooxda Shabaab oo muddo dheer xukumaysey.

Gayfanayaasha bulshada ayaa DF ku boorriyey inay gacan bir ah ku qabato ficillada noocan oo kale ah ee ay gaysanayaan ciidamadu.

Hadalsame Media