Emirates Airlines oo dib u bilowday duullimaadyadii caalamiga ahaa qaarkood (Shuruudaha)

0

(Dubai) 15 Abriil 2020 – Shirkadda duullimaayada Emirates Airlines ayaa xaqiijisay inay di usoo celinayso duullimaadyada qaar ka bixi jirey Dubai International Airport qaybta Terminal 3, sida lagu sheegay war kasoo baxay.

Shirkadda Emirates ayaa sheegtay inay tartiib tartiib usoo celisey duullimaadyada meelo ay xulatay wixii laga bilaabo 12-kii bishan Abriil.

Rakaabka ayaa lagula taliyey inay toos ula xiriiraan shirkadda, iyadoo sidoo kale la marin doono baaritaanka loo yaqaan thermal scanning marka ay ka baxayaan Terminaalka 3-aad.

Waxaa kale oo rakaabka laga codsaday inay soo qaataan gafuur saab iyo gacan gashi isla markaana ay raacaan xeerka loo dejiyey in lakala sikado.

Imaaraadka ayaa 24-kii Maarso saacaddu markii ay ahayd 11:59 pm joojiyey duullimaadyadii ka baxayey iyo kuwii gelayey Imaaraadka, cudurka koroonaha dartii.

Hadalsame Media