Madaxa Xukuumadda Federaalka oo amray lacago deg deg loo siinayo GOBOLLADA dalka

0

(Muqdisho) 15 Abriil 2020 – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Feedraalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayrre, ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka Covid-19.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayrre oo xalay guddoomiyay kulanka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19 oo ku qabsoomay mareegta Internet-ka, ayaa wasaaradda maaliyadda ku amray fudueynta min hal Miyan oo doollar oo si degdeg ah lagu gaarsiiyo maamullada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimmadda ay midnimada iyo isu geynta cududda Soomaaliyeed ay leedahay xilligan adag ee uu dalku marayo, isaga oo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in dhan looga soo wada jeesto ciribtirka cudurkaan.

Wasiirrada caafimaadka dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ka qayb galay ayaa soo bandhigay warbixinno la xariira xaaladda COVID-19 ee deegaannadooda iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin, waxayna soo dhaweeyeen tallaabada uu Ra’iisul Wasaaruhu qaaday, iyaga oo xusay inay wax badan ku soo kordhin doonto dadaallada billowga ah.

Hadalsame Media