Imaaraadka Carabta oo ka ”boollaystay” DF Somalia (Kartoomadii karaama qaadka)

0

(Muqdisho) 15 Abriil 2020 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in deeqdii ”dawada” ahayd ee uu Imaaraadku shalay ka dejiyey Gegada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ay noqotay wax ka duwan wixii la filayey.

Dayuurad ka timid Imaaraadka Carabta ayaa ku shixnadnayd 23 tan oo lagu tilmaamay agab caafimaad oo lagaga gaashaanto caabuq sidaha Coronavirus, sida maasgaraha dawaysan, neef-siiyeyaal iwm.

Yeelkeede, warar ku dhow dhow Wasaaradda Caafimaadka DF Somalia ayaa sheegaya in waxa kartoomada ay ku dhignayd ”gargaarka Imaaraadka” ku jirey ay ahaayeen oo qura saabuun dareere ah oo gacmaha lagu dhaqdo.

DF ayaa isla shalay qoraal ay soo saartay kaga mahad celisey ”gargaarka Imaaraadka” oo ay ku sheegtay inuu muujinayo ”xiriirka soo jireenka ah”.

Dad badan ayaa shalay shaki ka muujiyey ”gargaarka” ka yimid Imaaraadka oo aan waxba siinin Somalia tan iyo 2018-kii oo Garoonka Muqdisho lagu qabtay malaayiin uu boorso ku wadey, kaddibna waxay xireen isbitaalkii qura ee ay Muqdisho ka maalgelin jireen, iyadoo uu Imaaraadku bilaabay siyaasad ka dhan ah Dowladda Dhexe iyo faragelin uu ku sameeynayey arrimaha gudaha Somalia, waloow uusan weli yeelanin saamayntii uu filayey.

Hadalsame Media