SUXUFIYOOW kala baro XADKAAGA iyo XAD-GUDUBKAAGA!

0

(Hadalsame) 15 Abriil 2020 – Suxufiyiinta Saaxiibadeey ah waxaan kula talin lahaa iney wax un ka bartaan sharciyada dalka sida Destuurka, Saxaafadda,Maxkamadaha,iyo Kan Garsoorka, waayoo hadii ay sharciyadaas si fiican u dhuuxaan una fahmaan ugu yaraan waxaa u sahlenaaneysa iney kala gartaan fal kasta oo ay sameynayaan in uu yahay dambi iyo inkale,

Iney xaq uleeyihiin iyo in aaneey xaq u laheyn, Iyo hadii lagu qabsado oo lagu dacweysto iney gar ku helayaan iyo in looga gar heli doono,iyo weliba fal dambiyeed kasta inta uu le’eg yahay ciqaabta ay ku muteysan karaan,
Mar hadii ay Suxufiyiintu intaa si fiican ukala gartaan waxaa yaraan lahayd dambiyo badan oo ay maanta cadeymahooda iyagu gacantooda ku sii qortaan iyagoo aan sidaa u fahamsaneyn ama ay afkooda ka sheegaan oo laga soo tixraaco kadibna loo xiro ama loo maxkamadeeyo.

Sidoo kale waxaa yaraan lahaa waxbadan oo qaladaad ah oo Suxufiyiinta ka dhaca ama ay ku dhaqaaqaan, dhanka kalena waxey ogaan lahaayeen iney iyagu ka duwan yihiin dadka caadiga ah oo ay baraha bulshada kula baratamayaan xumaan iyo samaanba.

Macno malaha Suxufiyiin,Siyaasiyiin, iyo Saaxiibo badan oo sawirkaaga iyo magacaaga maalin iyo labo baraha bulshada si isku mid ah kuugu soo daabaca FREEHEBEL, lkn maalintaas waxa Macnaha leh ee sharciga hortiisa kugu difaaci kara waa inaad kala taqaanay maalintii koowaad wixii aad qortay ama aad sheegtay inaad ku qotomisay inta uu sharcigu xaqa kuu siinayay oo aad is hubto, ama inaad is ogtahay inaad xuduuddaadii ka gudubtay una tilaabtay xaq ama xuquuq uu qofkale, koox kale ama Hey’ad kale leedahay oo aad sidaa ku qirato dambigaaga.

Sikastaba, dalku maanta waxa uu leeyahay sharci iyo dowlad, qofna kama weyna sharciga,waana loo wada siman yahay, balse wey dhacdaa inaad mararka qaar aragto ama aad maqasho in iyadoo aan sharciga la jabin hadana in la yar qaloocsaday, waana sababta keenta saluuga yar ee ay weli dadka qaar ka qabaan sharciga iyo Garsoorka dalka, lkn mar walba Adigu sidaa haku talagalin.

Ugudambeyn, Suxufi mar walba ka fogow dambiyada kuu horseedi kara xabsi iyo sharaf dhac, kuna ekow xuduudaada, noqo mid lagu kalsoonaado oo runta sheega kuna adadag , balse ha noqon mid wax walba oo loo sheego isagoo aan hubsan iska faafiya, ogsoonowna in laga gudbay waqtiyadii xadgudubka, xasaradda iyo xabsiga magaca lagu raadin jiray oo la joogo waqti lagugula xisaabtami karo dambiyadaada.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media