Kaddib Stockholm, Soomaalida oo sidoo kale ugu badan kiisaska Covid-19 ee Helsinki (Arag boqolleeyda)

0

(Helsinki) 15 Abriil 2020 – Soomaalida ayaa sidoo kale u badatay dadka uu soo ridanayo caabuq sidaha Coronavirus ee magaalada Helsinki ee caasimadda Finland.

Maamulka Helsinki ayaa shalay ku dhawaaqay in 200
oo qof oo uu cudurku soo ritey ay u badan yihiin dadka laga tirada badan yahay, waxaana dadkaa 1.8% ka ah Soomaalida.

Soomaalida ayaa guud ahaan dadka ku dhaqan caasimadda Helsinki ka ah 0.2% oo qura, taasoo ka dhigan inay aad ugu badan yihiin cudurka.

Maamulka Helsinki iyo Caafimaadka Maxalliga ah ee Degmada Helsinki iyo Uusimaa (HUS) ayaa aad uga walaacsan arrintan, iyagoo qaadaya tillaabooyin wax lagaga qaban doono.

“Caabuqan ku faafaya dadka tirada yar waa mid aad u walaac badan,” ayuu yiri Jan Vapaavuori (NCP), Duqa Mgaalaada Helsinki.

Hadalsame Media