Dhibaato dhaqaale oo soo food saaraysa horyaallo uu ugu horreeyo EPL (Arag sababta)

0

(London) 15 Abriil 2020 – Ciyaaraha ayaa la sheegay in lagu ciyaari doono garoomo faaruq ah muddo gaari karta 18-bilood, tan iyo inta tallaal looga helayo caabuq sidaha coronavirus – taasoo ka dhigan inay kooxuhu khasaari doonaan malaayiin lacag ah oo kasoo gasha tigidhada.

Dr Zach Binney, oo ah xeeldheere cudurrada faafa ka dhiga Jaamacadda Emory University ee Atlanta, Georgia, ayaa sheegay in ay ”halis wayn tahay” in kumannaan dad ah loo ogolaado inay hal garoon kusoo xoomaan oo is ag fariistaan.

In garoon maran lagu dheelo sanad iyo ka badan ayaa halis wayn ku ahaan doonta horyaallada kubadda cagta, gaar ahaan horyaalka hodonka ah ee Premier League oo aad ugu tiirsan dakhliga maalin-ciyaareedyada.

Khabiirka Sky Sports ee Gary Neville ayaa rumaysan in ay tani keeni doonto inay laacibiin badani ka tagaan kooxohooda, marka aad hoos loogu dhigo gunnooyinkooda oo ilaa 50% ka badan la jari doono.

Saynisyahannada ayaa rumaysan in garoomada faaruqa ihi ay xal yihiin, iyagoo daliishanaya ciyaartii Champions League ee Atalanta iyo Valencia oo ay 44,000 ku daawadeen San Siro oo lagu sheegay inay ahayd ”bambo bayoloji ah” oo keentay inuu cudurku gaaro dalka Spain iyo inay Bergamo noqoto magaalo qubuureed xitaa markii dambe maydka aasan waydey, iyadoo u dhiibtey millateriga Talyaaniga oo gobollada kale kusoo aasay.

Hadalsame Media