Lacag deeq oo loo diyaariyey dadka Maraykanka oo u xayiran in Donald Trump magaciisa lagu qoro!!

0

(Washington, DC) 15 Abriil 2020 – Wasaaradda Kaydka Maraykanka ayaa la sheegay inuu MW Donald Trump ku amray in magaciisa lagu qoro jeegagga kaalmada dhaqaale ah ee ay Waaxda Dakhliga ee IRS u direeyso shacabka Maraykanka.

Arrintan ku saabsan isla waynida Trump, ayaa la sheegay inay dib u dhigtay in malaayiin lacag ah xilliga ku habboon loo qaybiyo shacabka Maraykanka.

Lacagtan oo qofkiiba loo qoondeeyey $1,200 si ay dadku u kaashadaan xilligan lagu jiro xasaradda dhaqaale ee ka dhalatay coronavirus ayaa waxaa ku qornaan doona magaca Trump, sida lagu qoray Washington Post oo soo xiganaya sarkaal aan magaciisa la sheegin.

Aqalka Cad iyo Wasaaradda Kaydka oo ay hoos tagto Wakaaladda Adeegyada Dakhliga IRS, ayaan arrintan waxba ka oran.

The Post oo soo xiganaysa sarkaal ku dhow Trump ayaa sheegtay in Trump uu madaxa Wasaaradda Kaydka, Steven Mnuchin, oo ay hoos tagto IRS, sidoo kale ku amray inuu jeegagga saxiixo, taasoo aan ka mid ahayn shaqooyinkiisa.

Jeegyada ayaa waxaa aalaaba saxiixa sarkaal ka tirsan Xafiiska Adeegyada Dhaqaalaha (Bureau of the Fiscal Service), oo ah Wakaalad hoos tagta Wasaaradda Kaydka oo jeegagga daabacda.

Arrintan ayuu muran ka taagan yahay, iyadoo ay dadwaynaha Maraykanku Trump ku eedeeynayaan inuu olole doorasho iyo xayaysiin shakhsi ah u adeegsanayo canshuurtii shacabka.

Hadalsame Media