Spain oo maanta shaqooyinkii lagu noqday xilli ay kiisaska cusubi yaraanayaan + Sawirro

0

(Madrid) 13 Abriil 2020 – Dalka Spain ayaa maanta bilaabay in shaqada dib loogu laabto, waxaana dadka soo noqday ka mid ah kuwa qabanaya shaqooyinka aan asaasiga ahayn sida wershadaha iyo dhismaha, kaddib 2 todobaad oo handaraab ahaa.

Booliiska ayaa saldhigyada tareennada magaalooyinka ka shaqeeya oo ay ku jiraan kuwa dhulka hoostiisa mara dadka ugu qaybinayey malaayiin maasgare maanta, gaar ahaan dadka shaqooyinka u socda, waloow uu guud ahaan weli sii jirayo handaraabkii guud.

Labada todobaad ee ‘suurista ah’ ee laga joogayo shaqooyinka aan aadka daruuriga u ahayn ayaa lasoo rigey 30-kii Maarso, taasoo handaraabka ka dhigtay mid xitaa ka adag midka UK oo dadka loo ogolaaday inay shaqa tagaan haddii aanay guriga ku shaqayn karin.

Waxaa tillaabadan dhiiri gelinaysa in tirada kiisasku ay hoos ugu dheceen 3,477, kuwaasoo ah kuwii ugu yaraa tan iyo Maarso 20.

Tirada geerida maalinlaha ah ayaa sidoo kale hoos u dhacday shalay oo ay dhinteen 517 kaddib markii ay in yar sare kacday dorraad oo ay xijaabteen 619 qof.

Hadalsame Media