DF oo lagu eedeeyay daryeel & diyaar garow xumo ay ku wajahayso durayga Covid-19

0

(Muqdisho) 13 Abriil 2020 – Dad lagu karaantiilay iyo kuwo caafimaad loo geeyey Isbitaalka qadiimiga ah ee Martiini ayaa ka sheeganaya tayada iyo xitaa tirada adeegga halkaa yaalla.

Dad halkaa la geeyay ayaa sheegay inaysan meeshu xitaa biyo lahayn, adeeg kale aanu jirin isla markaana aanay xitaa arag wax kalkaaliye ama dhakhtar ah oo meesha ku diyaar ah.

Waxaa intaa dheer in aanu meesha oollin agabyadii loogu tala galay in lagula tacaalo dadka qaba Covid-19 sida ogsijiinka, maasgaraha dawaysa, suudka gaashaaman iyo neef-siiyeyaasha iwm.

DF Somalia ayaa horay u sheegtay inay meel dhigtay 5 Milyan oo dollar oo ay u qoondaysay la tacaalidda cudurka Coronavirus, balse wararka ka imanaya Muqdisho ayaa sheegaya in Wasiirkii Hirshabelle ee Khaliif Muumin xitaa loo waayay ogsijiin uu ku neefsado, waloow aynaan warkaa weli xaqiijin karin.

Waxaa sidoo kale is dardar ka jiraa hab-raaca iyo tilmaamaha caafimaad ee kasoo baxaya Wasaaradda Caafimaadka, iyadoo tusaale ahaan, qofkii uu cudurku ku dhoco la leeyahay imow isbitaalka, balse aan la sheegin qaab uu ku iman karo isaga oo aan dadka kale ku daaranin, sida in aambalaas loo diro iwm.

Warar kale ayaa sheegaya in howlwadeenkii Wasaaraddu aysan shaqada u wadin sidii caadiga ahayd, iyadoo uu Hadalsame soo gaarey war sheegaya inay qaar ka mid ihi dhuunteen kaddib markii qaar shaqaalaha ka mid ah laga helay cudurka.

DF Somalia ayaa looga fadhiyaa inay wax ka qabato arrintan xilligan xasaasiga ah ee la wajahayo cudurkan laayaanka ah.

Hadalsame Media