TUHUN CUSUB: Shiinaha oo jaamacadaha dalkiisa u diidey inay daraasadeeyaan halka uu ka yimid Covid-19 (Muxuu qarinayaa?)

0
Medical staff members wearing protective clothing to help stop the spread of a deadly virus which began in the city, work at the Wuhan Red Cross Hospital in Wuhan on January 25, 2020. - The Chinese army deployed medical specialists on January 25 to the epicentre of a spiralling viral outbreak that has killed 41 people and spread around the world, as millions spent their normally festive Lunar New Year holiday under lockdown. (Photo by Hector RETAMAL / AFP)

(Beijing) 13 Abriil 2020 – Shiinaha ayaa xannibaad kusoo rogey in daraasaad madax bannaan lagu sameeyo isha uu ka yimid caabuq sidaha Covid-19, sida ku cad wareegto kasoo baxday nidaamka Beijing.

Warkan kasoo baxay Dowladda Dhexe ee Shiinaha ayaa waxaa sidoo kale qaab online ah loogu daabacay webabka laba jaamacadood, waloow markii dambe la tiray.

Hab-raacan cusub ee kasoo baxay Dowladda ayaa dhamaanba saaxadda aqooneed ee dalkaa fareeysa in cilmi baaris kasta oo ku saabsan Covid-19 lagu sameeyn doono faafreeb dowladeed kahor inta aan la fasixin in la daaboco.

Gaar ahaan, daraasaadka ku saabsan halka uu asal ahaan kasoo fufay fayruska geesoole ayay Dowladdu si gaar ah u tifaftiri doontaa, sida ku cad wareegtadan iminka la tiray.

Xeeldheere caafimaad oo ku sugan Hong Kong oo daraasad ku saabsan Covid-19 kala shaqeeyey jaamacadaha Shiinaha intiisa kale ayaa sheegay in aan faafreeb noocan ah lagu samayn shaqadooda bishii Febraayo.

Arrintan ayaa shaki hor leh abuuraysa, iyadoo la is waydiinayo waxa uu qarinayo Shiinaha oo uu cudurkani kasoo bilowday dhankiisa.

Hadalsame Media