”Waa xasuuq taariikhi ah” – Sweden oo la sheegay inay dhakhaatiirta koroonuhu ku dhoco ay ku amreen inay sii shaqeeyaan (Fadeexad)

0

(Stockholm) 12 Abriil 2020 – Habka ay Swedish-ku ula xaalayaan caabuq sidaha koroonaha ayaa dunida dood culus ka dhaliyey, taasoo ay ay aad u hadal hayso saxaafadda adduunku, iminka warqaadka TIME Megazine ayaa kashifay arrin kale oo yaab leh, taasoo ah in howlwadeenka caafimaad lagu amray inay shaqada sii wadaan xitaa haddii ay qabaan cudurka Covid-19.

Cadadkii ugu dambeeyey ee todobaadlaha Time Magazine oo ka kooban in ka badan 5 milyan oo nuqul, isla markaana webkiisa si wanaagsan looga akhristo Sweden ayaa aad u dhaliilay sida wax loo wado.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in boqolleeyda geerida Sweden ay mareeyso 7.68% marka loo eego inta milyan ee dalka ku nool – taasoo laba jeer ka badan tan dalalka deriska la ah, waxaana loo aaneeyey habka hooseeya ee loo baarayo cudurka, marka loo eego dalalka kale ee Scandinavia.

Tusaale, Norway iyo Denmark, waa 1.46% iyo 3.85% sida ay u kala horreeyaan. (Maraykan oo ah dalka lagu dhamaaday wa 3.21%.)

Yeelkeede, hal arrin oo muujinaysa jiritaanka bambo waqtiyaysan waa in shaqaalaha caafimaadka ee laga helo Covid-19, balse aanay ka muuqan wax calaamad ah lagu amray inay sii shaqeeyaan, taasoo meesha ka saaraysa aragtidii ugu muhiimsanayd ee ah inaan cudurka lasii faafin.

Dhakhtarka hadlay oo aan magaciisa sheegin, balse sababo anshaxa dartii ah go’aansaday inuu hadlo, ayaa sheegay in qaabka ay corona ula macaamilayaan uu dhalin karo “xasuuq taariikhi ah.”

Sweden waa dalka qura ee Yurubta waawayn ah oo aan weli wax handaraab ah soo rogin iyadoo ay wax kastaahi caadi u shaqaynayaan.

“Marka aad dhinacyada eegto, wax cabsi ihi dadkii kamaba muuqato, jidadkii waa mashquul, iskuulladii waa la aadayaa, dadkuna habeennadii makhaayadaha ayay casho u doonanayaan,” ayay tiri Chloe Fu oo joogta Stockholm.

Hadalsame Media