Qofkii ilaa hadda ugu xil sarreeyay oo cudurka Covid-19 ugu dhintay magaalada Muqdisho

0

(Muqdisho) 12 Abriil 2020 – Waxaa dhintay xubintii ugu sarreeysey ee cudurka Covid-19 ugu dhinta Somalia, waana Wasiiru-dowlihii Cadaaladda maamul goboleedka HirShabeelle, Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow.

Md Tooxoow oo ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho ayaa halkaa cudurka Coronavirus ugu geeriyoodey.

Khaliif ayaa todobaadkii hore loola soo cararay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu cudurku kusoo boodey xilli habeennimo ah isagoo ku sugnaa magaalada Jowhar, kaddib markii ay neeftu ku dhegtey.

Khaliif ayaa sidaa ku noqonaya qofkii 2-aad ee isaga oo aan dalba dibedda uga bixin cudurka Covid-19 ugu dhinta gudaha Somalia.

Somalia ayaan lahayn agab iyo waaya aragnimo ay kula xaasho cudur faafa oo laayaan ah sida Covid-19, waxaana arrinta uga sii daraya iyadoo uusan jirin hab-raac biyo kama dhibcaan ah iyo shacabka oo ah qaar muddo dheer fowdo kusoo jirey oo aan laftoodu u bislayn raacista nidaamka.

Bahda Hadalsame waxay tacsi u diraysaa ehelkiisii, asxaabtiisii iyo umadda Soomaaliyeed, isagana Alle ha u naxariisto. Aamiin.

Hadalsame Media

Facebook Comments