Anteenooyinka 5G oo la sheegay inay ka dambeeyaan Covid-19 & burburin lagu bilaabay + Sawirro

0

(London) 12 Abriil 2020 – Waxaa jirta aragti dhagareed sii hirgaleysa oo ka dhan ah anteenooyinka sida hannaanka 5G ee xaraaradda siiya telefoonnada gacanta, kuwaasoo la sheegay inay iyagu sabab u yihiin caabuq sidaha koroonaha.

Xiriirka ka dhexeeya anteenooyinka 5G iyo Covid-19 ayaa waxaa faafiyey jilaaga Woody Harrelson, kaasoo 2 milyan oo raace ku leh boggiisa Instagram. Kaligii se ma aha.

Sida ku cad falanqayn uu sameeyay warqaadka New York Times, waxaa jira ilaa 500 Facebook Group oo haysta dad ka badan nus milyan, 84 Instagram koonto iyo farriimo iyo muuqaallo badan oo arrintan faafinaya, iyagoo dadka faraya inay gubaan anteenooyinkan.

Aragti dhagareedkaas ayaa durba cawaaqib yeelatay. Ilaa 100 shil oo kharbudaad ah oo ka dhan ah shabakadda 5G ayaa laga soo weriyey dalka Britain, sida ku dhigan New York Times.

Waxaa kale oo lasoo sheegay ilaa 30 kiis oo jejebin ah iyo ilaa 80 kiis oo huruufid ah oo lagula kacay shaqaalaha ka shaqeeya xarumaha ay anteenooyinkani ku yaallaan.

“Warkani waa maalaayacni midkii ugu xumaa,” ayuu yiri Xildhibaan Julian Knight, kaasoo ka horjeeda faafinta xogahan beenta ah oo la hadlay New York Times.

Kaabayaasha 5G ayaa waxaa haatan caalamka ugu haysata sharikadda Shiinayska ah ee HUAWEI, taasoo uu dagaal kala dhexeeyo Maraykanka oo xitaa ku daray liiska madoow, isagoo basaasnimo ugu marmarsoonaya.

Hadalsame Media