Turkiga oo agab caafimaad Israel u diraya (Dalal badan oo uu gaarsiiyey & ujeedka)

0

(Ankara) 10 Abriil 2020 – Turkiga ayaa saanad dawo ah ka iibinaya Israel, jeer uu Turkigu wado diblomaasiyad bini aadminnimo oo uu ku wajahayo caawinta dalal aysan xitaa isku wanaagsanayn, xilligan adag ee uu caalamkii la haray caabuq sidaha Covid-19.

Sida ku dhigan warqaadka Middle East Eye, Israeli ayaa Ankara ugu geed fariisatay liis ay ku qoran yihiin dhowr codsi oo ah agab ay Yuhuuddu u baahan tahay, taasoo uu Turkigu ogolaaday, taasoo ah calaamad muujinaysa inay labada dal sii joogtaynayaan xiriirkooda, tiiyoo ay isku maan diidsan yihiin qadiyadda Falastiin iyo Quddus.

Shixnaddan ayaa waxay ka kooban tahay agab caafimaad oo ay ku jiraan gafuur-saabyo, agabka la isku ilaaliyo, suuta gaashaaman, waxayna qaadan doontaa dhowr maalmood sababo buruqraadi ah dartood, maadaama uu Turkigu si KMG ah u hakiyey iibinta agabka caafimaadka.

Ankara ayaa sidoo kale Yuhuudda ka rajaynaysa inay ogolaan doonto shixnad gargaar ah oo ay Turkigu gayn rabaan Marink Gaza iyo Daanta Galbeed.

“Shuruud ma aha, balse waa sida aan ka filayno inay nala gartaan,” ayuu yiri sarkaal Turkish ah oo is qariyey.

MW Recep Tayyip Erdogan ayaa bishii tagtay dhiggiisa Mahmoud Abbas u ballan qaaday inay taageeri doonaan dadka reer Falastiin oo dagaal kula jira cudurka coronavirus.

Coronavirus-ka Turkey: Taageerada Erdogan oo gaartey halkii ugu sarreeysey muddo 4 sano ah

sii akhri »

Bloomberg, ayaa qoraya in dayuuradaha ciidamada Israel ay agabkan Khamiistii ka qaadi lahaayeen Gegada Ciidan ee Incirlik Airbase ee Turkey, balse ay u baaqdeen sababo la xiriiraha howlo xafiisyo u harsan.

Turkiga ayaa sheegay inuu khad u dhexeeysiinayo kaalmada iyo iibka la xiriira coronavirus iyo khilaafyada siyaasadeed.

Turkey ayaa kaalmo u diray dalal ku yaalla gobolka Balkan-ka oo uu mar xukumi jirey, kuwaasoo ay ku jiraan dalal aanay hadda isku fiicnayn sida Serbia.

Waxay sidoo kale isla maanta dayuurad kaalmo ah u direen dalalka Talyaaniga, Spain iyo UK. UK waxay geeyeen 100,000 maasgarayaasha qalliinka, 50,000 oo maasgarayaasha dawaysan iyo 100,000 oo ah suudadka gaashaaman.

Sarkaal kale ayaa sheegay inay Ankara ka baaraan degeyso inay dayuurad gargaar ah u rarto Armenia, oo ah dal taariikhiyan ay colaado badani soo dhexmareen, cuqdad badanina dhex taallo.

Hadalsame Media