DF kuma khaldana inay masaajidda xirto, balse waxaa jirta arrin ay aad ugu khaldan tahay oo xirista lafteeda la xiriirta (Waa maxay?)

0

(Muqdisho) 10 Abriil 2020 – Waxaan maqli jiray nin sanco xun (farsamo xun) futada cankeedana waa isgooyaa.

Dawladda askarta u dirtay masaajid salaaddii duhur la tukanayo ayado aan ogaysiis iyo digniin midna la siin masaajidkii jamaacada ku tukata ninkaas sancada xun bay la mid tahay.

Maamulku waa in uu hawlaha kala horrayn iyo mudnaan siiyo sida: A.B.C.. kaddib ogaysiis iyo waqti ku filan siiyo goobaha la xirayo ama hawshooda wax laga beddalayo.

Tusaale: in 48 saac loo qabto. Gaar ahaan masaajidda oo xiristooda dadku xasaasiyad jahli wado ka qabaan, xiritaankoodu waa in uu salaadda cesho kaddib bilowdo oo maamulka masaajidki dadka u sheegaan in berri salaadda subax ay guryahooda ku tukadaan.

Taasi waxa ay booliiska iyo maamulka ka badbaadinaysaa wixii aan Marwaaz ku aragnay maanta.

FG: Masjidku waa meesha ugu daran marka cudur faafa laga hadlayo marka la eego qaabka ay dadku u fadhiyaan oo aad iskugu dhow.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media