Nin uusan waxba u dhimayn cudurka Covid-19 oo yimid dalka Sweden + Sawirro

0

(Stocholm) 10 Abriil 2020 – Henrik Tidefjärd waa nin uu soo maray caabuq sidaha Covid-19. Wuxuu ninkani kasoo jeedaa magaalada Eskilstuna balse wuxuu ku nool yahay Berlin, halkaasoo uu qaban qaabiyo safarrada iyo dhacdooyinka.

Aftonbladet ayaa qoray in Henrik Tidefjärd uu cudurku markii hore soo ritey isagoo ciyaar baraf u jira Ischgl, yeelkeede, markale ayuu ku dhacay, tiiyoo ay jirto inuu karaantiilnaa laba todobaad.

Isniintii ayaa se baaritaan lagu sameeyay waxaa loo sheegay inuu leeyahay lid-jireed ka ilaalinaya sars-cov-2 – taasoo ka dhigan inuu difaac u yeeshay cudurka Covid-19 xitaa haddii uu ku dhoco.

Waxaa lagu baaray qaybta caabuqyada ee Medizinisches Infektiologiezentrum ee magaalada Berlin, oo aad u xiiseysay arrinta Henrik Tidefjärd maadaama uu laba jeer cudurku kusoo noqday.

Henrik ayaa loo sheegay in lid-jireedka hadda ku jira uu difaaci karo bilo yar, sanad barkii ama xitaa sanad, iyadoo cudurka laga waayey markii 3-aad ee la baaray.

Henrik ayaa sidoo kale iminka la guddoonsiiyey shahaado caddaynaysa inuu difaac u yeeshay cudurka.

Henrik Tidefjärd ayaa se waloow uu shahaadadaa haysto aan ku dhaqdhaqaaqi karin dalka Jarmanka oo la saaray handaraab adag, waxaana loo sheegay inuu Sweden oo aan handaraabnayn aado, halkaasoo uu iminka kusoo noqday wuxuuna hadda ku sugan yahay Stockholm.

Serie A-da Talyaaniga ayaa beri dhowayd ka fikirayey in ciyaartooyda laga qaado baaritaanno ku saabsan inay lid-jireed u leeyihiin cudurkan, si loo ciyaarsiiyo.

Hadalsame Media