Xaalad cabsi hor leh & walaac xambaarsan oo kasoo korortay dalka South Korea

0

(Seoul) 10 Abriil 2020 – Saraakiil South Korean ayaa maanta sheegtay war cabsi leh kaasoo ah in 91 bukaan ah oo horay uga raystay caabuq sidaha Covid-19 markale iminka laga helay.

Jeong Eun-kyeong, oo ah Maareeyaha Rugta Kahortagga Cudurrada ee KCDC, ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan “inuu fayrusku dib isu howlgeliyey” balse aanay u badnayn inuu markale dibedda uga yimid.

Saraakiisha caafimaadka South Korea ayaa dhanka kale bayaaniyey inaysan weli ogayn sababta arrintan ka dambaysa, iyagoo sheegay inay baarayaan culumada taqaanna cudurrada faafa.

Arrintan soo noqoshada cudurka ayaa dunida ku haysa walaac caalami ah, waayo weli si buuxda uma hubbana in qofkii uu cudurku mar ku dhoco uu difaac ku filan u yeelan doono inuu cudurka iska caabbiyo mustaqbalka.

South Korea oo cudurka gacan adag ku haysa, isla markaana dunida 1-aad kaga gashay dhanka hufnaanta iyo deg degta baaritaanka, ayaa maanta waxaa laga helay 27 kiis oo cusub, iyadoo ay maanta dhinteen 4 qof oo qura.

Hadalsame Media