NABSI: Dad reer Yurub ah oo laga tarxiilay Afrika & SHAKI ku saabsan in qaaradda ”kas loogu tallaalayo” Covid-19 oo bilowday (Arag sababta)

0

(Hadalsame) 10 Abriil 2020 – Waxaa walaac cusub, dood iyo ku maadsi kiciyey dad badan oo reer Yurub ah oo Afrika ku nool oo laga helay caabuqa coronavirus iyagoo ku sugan qaaradda Afrika, iyadoo uu warqaad Senegalese su’aal ka keenay inuu Faransiisku doonayo inuu “karooneeyo” qaaradda, kaddib markii 2 Faransiis ah cudurka laga helay.

Jeer ay aad u yar yihiin kiisaska Covid-19 ee laga helay Afrka, waxaa dowladaha Afrika markii ugu horreeysey lagu cadaadiyey inay dib u celiyaan dadka reer Yurub ee qaaradda imanaya, iyadoo ay dadku ku doodayaan in Yurub ay joojisey safarrada dalal badan markii uu Ebola ka dillaacay Afrika.

Waxay arrintani keentay ka hadalka sida ay xaaladda labada qaaradi ay muddo gaaban gudohood isu bedeshey, iyadoo kasoo tagtay Afrikaan habqan ah oo u baxsanaya Yurub ilaa reer Yurub usoo cararaya qaaradda Afrika.

On 3 March, Senegal reported its third case of coronavirus, a 33-year-old British woman and member of staff at the regional office for West Africa and Central Africa at the International Organisation of Migration (IOM).

“Ciidamada Woqooyiga Afrika waxay reer Galbeedka u tooganayaan si naxariis darro ah, iyagoo ku qaylinaya: guriyihiinna aada, amaan na siiya, ma doonayno jirradiinna iyo quustiinna,” ayaa lagu qoray warqaadka maalinlaha aha ee Spanish-ka ah ee El Pais.

SALKA SHAKIGA

Kiisaskii ugu horreeyey ee Covid-19 ee laga helay dalalka Nigeria iyo Cameroon waxay kala ahaayeen laba nin oo u kala dhashay Talyaaniga iyo Faransiiska.

Qof Norwegian ah ayaa ka mid ah labadii kiis ee ugu horreeyey ee cudurka laga helo dalka Ghana.

Waxay reer Yurub ku jiraan kiisaskii bilowgii laga xaqiijiyey dalka Aljeeriya, oo ah dalka 2-aad ee ugu badan Afrika kaddib Masar.

Dhanka South Africa, dadka bilowgii cudurka laga helay waxay ka mid ahaa koox ciyaar barafka ciyaarta oo kasoo noqotay tartan ay u tagtay silsiladda buuraha Alps (Alba) qaybta Talyaaniga.

Mauritania waxay soo sheegtay kiiska qof reer Yurub ah oo aan dalkiisa la sheegin, halka ay dhowr qof oo Talyaani ihi isku dayeen inay karaantiilka ka baxsadaan, balse waa la qabtay, waxaana loo tarxiilay dalkoodii.

“Dadkan oo 15 nin ahaa waxaa laga qabtay meel 90 KM u jirta caasimada Nouakchott waxaana lagu soo celiyey garoonka, halkaasoo dalkoodii loo dhoofiyey via Morocco,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka Mauritania.

Xitaa dalka Somalia waxaa ka jira kiisaska dad caddaan ah oo aan dalkooda la carrabaabin iyo Talyaani codsaday in aan dalkoodii dib loogu celinin.

Waxaas oo dhan oo lagu daray warkii labada dhakhtar ee Faranjiga ahaa ee ku dooday in ”Afrika lagu tijaabiyo tallaalka Covid-19” waxay dhalisay inay Afrika dareento inay u baahan tahay inay iska qaaddo heeryo culus oo ay markii ugu horreeysey u muuqato mid culayskoodu soo karay.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media