MW Somaliland oo aqbalay arrin uu horay u diiddanaa kaddib wadahadal dhanka telefoonka ah

0

(Hargaysa) 10 Abriil 2020 – MW Gobolka Soomaalida, Mustafe Cumar Cagjar ayaa sheegay inuu telefoonka kula sheekeystay dhiggiisa Somaliland Muuse Biixi Abdi, iyagoo ka wada hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen la tacaalidda caabuq sidaha dilaaga ah ee COVID-19.

“Waxaan telefoonka kula sheekaystay MW Biixi-ga Somaliland. Waxaanna ka wada hadalnay arrimo badan oo ay ka mid yihiin ka hor tagga coronavirus iyo abuurista qaab loola socdo isu socodka ”xadka”.” ayuu yiri Mustafe

MW Gobolka Soomaalida ayaa sidoo kale MW Somaliland u jeediyey codsi ku saabsan inuu sii daayo weriye Cabdimaalik Coldoon oo haatan xorriyaddiisa hadalka darteed ugu jira xabsiga Mandheera.

“Waxaan ku faraxan ahay inuu muujiyo inay ka daacad tahay inuu sii daayo weriyaha.” ayuu raaciyey Cagjar.

Amnesty International ayaa horay nidaamka Muuse Biixi ugu eedeeysay inuu gacan bir ah ku hayo xorriyadda hadalka, isla markaana ay halkaa ka jirto faafreeb sii kordhaya oo ka dhan ah dadka dhaliilsan nidaamkiisa.

Hadalsame Media