DAAWO: Arag masaafada ay gaari karaan saxarrada yar yar ee kasoo baxa afka qofka qaba Covid-19 (Daraasaddii ugu ballaarnayd)

0

(Helsinki) 10 Abriil 2020 – Cilmi-baarayaal reer Finland ah ayaa sii daayey muuqaal cabsi leh oo laga qiyaasay dhibco-yarayaalka ka baxaya afka iyo sanka qofka qufacaya ee qaba Civid-19.

Muuqaalka ayaa muujinaya in dhibcahaa yari marka ay hawada galaan ay kusii jirayaan “dhowr daqiiqo” iyagoo ku safraya luuqyada iyo koridoorrada suuqyada laga dukaamaysto.

Jaamacadda Aalto University, mac’hadka Saadaasha Hawada Finnish Meteorological Institute, VTT Technical Research Centre of Finland Jaamacadda Helsinki ayaa muuqaal u bedeley sida saxarrada kasoo baxa neef-mareenka qof qufacaya ama hindhisaya — ama xitaa hadlaya – ay hawada u raacaan.

Sida ku cad natiijada hordhaca ah ee daraasaddan, saxarrada yar yar ee sida coronavirus-ka ayaa hawada kusii jiri kara muddo ka badan waqtigii awal loo maleeynayey, taasoo dadka ku dhiirinaysa inay iska jiraan dhismayaasha dedan oo ay dadku ka buuxaan.

Afarta hay’ad cilmiyeed ayaa si kala madax bannaan u sameeyay daraasaddan, iyagoo adeegsanaya moodallo iyo xaalado isku mid ah oo khuseeynaya qof ku dhex qufacaya, hindhisaya ama hadlaya gudaha iskifaallooyinka dukaamada, waxayna keeneen isku natiijo, sida ay sheegtay, Jaamacadda Aalto University.

he 30 researchers – specializing in fluid dynamics, aerosol physics, social networks, ventilation, virology and biomedical engineering – used a supercomputer that modeled the airborne movement of aerosolized particles smaller than 20 micrometers – or .0007874 of an inch, according to the university.

Ilaa 30 cilmi-baare – oo ku takhasusay hab-socodka dareeraha, fiisigiska hawada, shabakaadka bulshada, neefsiga, culuunta fayruska iyo handasada biomedics-ka, ayaa iyagoo adeegsanaya supercomputer waxay muuqaal ka sameeyeen saxarrada yar yar ee uu qofku tufayo, kuwaasoo jurmi ahaan ka yar 15 ilaa 20 micrometer – ama 0.0007874 inji, balse ugu yaraan gaari kara masaafo dhan ilaa 6 mitir.

Hadalsame Media