Arag iimaha ku jira qaabka ay DF ula xaalayso Karoonaha Somalia

0

(Hadalsame) 09 Abriil 2020 – Subax wanaagsan. Sida ay Wasaaradda Caafimaadku sheegtay shalay ayuu Muqdisho ku geeriyooday qofkii koowaad ka dib markii laga helay Coronavirus.

Allah ha u naxariisto.

Isla shalay waxay Wasaaraddu sheegtay in ay korortay tirada dadka cudurku ku dhacay, oo afar ruux oo hor leh laga helay.

Ayaga iyo intii uga horreysayba Rabbi ha siiyo caafimaad.

Waan bogaadinayaa dadaalka Dowladda laamaheedu ay sameeyeen, siiba Wasaaradda Caafimaadka.

Dhacdooyinkaasi aad ayay shalay iyo xalay u saameeyeen hadalheynta magaalada. Warar badan iyo magacyo dad la yaqaan oo qaarkood ay madax yihiin ayaa tuhun la geliyay caafimaadkooda.

Kala shaki iyo waxaan qabaa in aan ka dhowrsanno war aan la hubin faafintiis. Waxa kaliya oo ka dhalan karaa waa jahawareer bulshada ku dhaca.

Dowladda Federaalka waxaa looga baahan yahay wargelin rasmi ah, sugan, tifatiran, waafi ah, gooreysan, joogtana ah.

Waxaan ula jeedaa:

Rasmi ah = Ka soo baxay Xafiis loo raacan karo oo noqon kara Dowladda. Isbitaal ama Hey’ad kale.
Sugan = La xaqiijiyay.
Tifatiran = loo qoray sida ugu habboon, uguna kooban ee loo fahmi karo, loona adeegsado erayo macnaha ay xambaarsan yihiin ay si sax ah uga tarjumaya waxa ay ka hadlayaan.
Waafi ah = Ka jawaabeysa su’aalaha uu qofku is weydiin karo. Sida waxa uu sameyn lahaa haddii uu xanuunsado.
Gooreysan = la yaqaan xilli cayiman oo la heli karo warkaas.
Joogta ah = Maalin kasta ah.

Waan ku celinayaa waa wargelin rasmi ah, sugan, tifatiran, waafi ah, gooreysan, joogtana ah.

Sidoo kale, waa muhiim marka aan war jirin in dadweynaha lala socodsiiyo in ay xaaladdu halkeedii taagan tahay oo aan kiis cusub oo baaritaan ka dib la hubsaday aanuu soo kordhin.

Haddii ay Dowladdu ka gaabiso, dadku war la’aan ma ahaanayo.

Beddelkeed, wuxuu dadweynuhu rumeysanayaa wararka aan la hubin ee la isla dhex marayo oo qaarkood yahay marin habaabin, laga yaabo in ay tahay ula kac. Isaga ayayna ku dhaqmayaan.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media