XOG CULUS: Dal ku howllan wada hadashiinta DF Somalia & kooxda Al Shabaab (Kulan dhici raba)

0

(Muqdisho) 08 Abriil 2020 – ”Tillaabadan xigta waxaa looga gol leeyahay in lagu abuuro xaalad la isku aamini karo iyo nabad ka islaaxda Muqdisho, si caasimadda qaranku amaan uga ahaato qalalaase, rabsho iyo dhibaato,” ayuu yiri Sarkaal sare oo magaciisa qariyey oo ka tirsan Amaanka Qadar, sida ku qoran Geeska.

Warkan ayaa wuxuu ku saabsan yahay isku daygii ugu horreeyey ee lagu doonayo in lagu wada hadalsiiyo DF Somalia iyo kooxda xag-jirka ah ee Al Shabaab oo 15 sano Somalia ka waddey dagaallo ay ku le’deen Soomaali badan oo aan waxba galabsan.

Wuxuu sarkaalku DF iyo kooxda mintidka ahba u sheegay inay ka fogaadaan wixii hanjabaad, aarsi iyo erayo is diidaya ah marka ay warbaahinta adeegsanayaan,” ayuu yiri sida warku sheegayo.

Sida laga helayo kayballo diblomaasiyadeed, Dowladda Qadar ayaa la sheegay in ay Sirdoonka Qaranka ka taageertay in kaamarooyinka amaanka ee CCTV lagu xiro jidka Maka- Al-Mukarama, xeebta Liido iyo agagaarkeeda, agagaarka xarunta NISA iyo meelo kale oo Muqdisho ku yaalla.

Amaanka Muqdisho ayaa soo hagaagayey todobaadyadii ugu dambeeyay, iyadoo aanay dhicin shilal amaan darro ah oo waawayn, taasoo timid markii ay Qadar bilowday inay door wayn ka ciyaarto diyaarinta wada hadal qaran oo dhexmara DF Somalia iyo kooxda Shabaab, kaasoo lagu wado inuu Dooxa ku qabsoomo sanadka soo aaddan, iyadoo qaadday tillaabooyin loogu gogol xaarayo arrintaasi.

Caasimadda Somalia ee Muqdisho iyo dadka ku nool ayaa sanado badan marti u ahaa weerarro qorshaysan iyo qaraxyo arxan darro ah oo kaga imanayey kooxda Al Shabaab, oo marar badan bartilmaameedsanaysey goobaha bulshada sida hoteellada, waloow aysan marna afka ka caddaysan in ay toos shacbiga u weerarayaan.

Hadalsame Media