HALIS AASAN: Qof ka shaqeeya Isbitaal ku yaalla Muqdisho oo soo diray dhambaal dhiillo leh (Hab-raac & taxaddar la’aan)

0

(Muqdisho) 09 Abriil 2020 – Salaan kaddib, waxaan rabaa inaan kula wadaago xaladda uu marayo Caabuqa Covid 19, marxaladaha uu soo maray bukaankii u geeriyooday cudurkaan iyo sida ay wax u dhaceen:

Waxaa dhacday 2dii bishaan Abriil in Shariif Maxamed Maxamuud laga qaaday xaako (sputum) si loo baaro, waxaana la keenay Isbitaal Banaadir qaybtiisa TB da, dhakhtarka TB da maamula ayaa ka soo qaaday oo keenay shaybaarka si looga baaro TB, waana laga waayay.

Intaas kaddib waxaa loo wareejiyay Isbitaalka Aadan Cadde, maalin walba waxaa aadayay qaar ka mid ah dhakhaatiirta iyo shaqaalaha isbitaalka waayo waxuu ahaa Aabaha agaasimaheenna Isbitaal Banaadir iyada ayaana ku ixtiraamaynay.

Galabnimo Talaado ah 7-dii bishii Abriil waxaan isbitaalka ugu tagay ku dhawaad 27 ka mid howlwadeenada isbitaalka oo ay ku jiraan 8 dhakhaatiir ah.

Kadib markii la ogaaday in agaasime Fartuun Shariif Aabaheed qabo cudurka Covid 19 waa laga bixiyay Isbitaalka waxaana la geeyay Isbitaal Martiini oo galabnimadii Arbacada uu ku geeriyooday Allaha u naxariisto. Dhakhtarkii ka qaaday xaakada (sputum) iyo agaasimaha iyo hal qof oo kale kaliya ayaa karantiil la geliyay si loo hubsado badqabkooda.

Arinta cabsida leh ayaa ah wali Isbitaalka wuxuu wadaa shaqadiisii caadiga ahayd iyadoo ay joogaan in ka badan 50 qofood oo isugu jira dhakhaatiir iyo howlwadeeno caafimaad oo u tagay bukaanka u geeriyooday cudurkaan.

Qaar ka mid ah howlwadeenadaas maanta ma imaanin Isbitaalka waxayna noo sheegeen in ay dareemayaan qandho iyo dhuun xanuun. Halista ugu wayn ayaa ah in uu ku sii faafayo cudurkaan bukaanada isbitaalka jiifa, shaqaalaha ka shaqeeya, hooyoyinka iyo caruurta isbitaalka u yimaada baaritaano caafimaad.

Si looga badbaado cudurkaan in uu sii faafo waxaan kaa codsan lahaa in la sameeyo baritaano degdeg ah. Waa arin laga gaabinayo, sababtoo ah Wasaarada Caafimaadka 10 jeer ka badan ayaan wacnay wax taleefoon kaa qabanayana malahan. Farriintan adiga ayaan kula wadaagay. Howlwadeenada, dhakhaatiirta iyo bukaanada jiifa iyo kuwa yimid isbitaal Banaadir waxay u bahan yihiin baaritaano degdeg ah.

Waxaa soo diray qof ka shaqeeya Isbitaalka Banaadir

Hadalsame Media