RW Abiy Ahmed oo Khayrre usoo jeediyey inuu hoggaamiyo wada hadallada DF & Somaliland

0

(Addis Ababa) 08 Abriil 2020 – RW Itoobiya, Abiy Ahmed, oo la sheegay inuu cayrsanayo nabad ka islaaxda Gobolka Geeska Afrika oo uu doonayo inuu ka dhoco iskaashi dhaqaale oo ballaaran ayaa diiradda saaraya inuu dhameeyo muranka DF Somalia iyo maamulka Somaliland.

Abiy ayaa waloow uu ku guulaystey inuu Addis Ababa ku kulansiiyo MW Farmaajo iyo Biixia, waxaan u suuragelin tillaabo uu ku doonayey inay isaga iyo MW Farmaajo wada tagaan Hargaysa, kaddib markii si wayn loo karis dhaafiyey oo dadwaynihii sawir xun la siiyey.

Sida ku qoran Geeska Afrika, RW Ahmed ayaa sababta uu beri dhowayd u marti geliyey dhiggiisa Somalia, Xasan Cali Khayrre, wuxuu yahay inuu bedelo MW Farmaajo dhanka hoggaaminta wada hadallada DF Somalia iyo Somaliland.

Warqaadka ayaa hadalka u dhigaya in dadka reer Somaliland ay woxoogaa saluugsan yihiin MW Farmaajo, iyadoo durba la sheegayo in RW Khayrre uu dabayaaqada bishan Abriil uu Addis Ababa kula kulmi doono wefdi uu hoggaaminayo MW Biixi.

Waloow uu shirkaa la muddeeyay baajin karo caabuqa Covid-19 oo keeni kara in maalin kale la ballamo, sida warka loo dhigay.

Wararka ayaa intaa raacinaya in RW Khayrre iyo MW Biixi ay muddaba khadka telefoonka ku wada hadlayeen, iyadoo uu MW Farmaajo ogolaaday in uu wada hadallada hoggaamiyo RW Khayrre.

Hadalsame Media