Somalia oo xirtey ”xadka” ay la wadaagto Kenya (Sababta?)

0

(Beled Xaawo) 08 Abriil 2020 – Somalia ayaa si KMG ah u xirtey bar ka mid ah baraha la iskaga tillaabo ee ”xadka” Somalia-Kenya.

Maamulka Degmada Beled Xaawo ayaa la sheegayaa inuu maanta joojiyey isu socdka dadka iyo gaadiidka ee isaga kala gudba labada dhinac.

Guddoonka Degmada, Mudane Axmed Barre Sheekh Cabdullaahi ayaa warbaahinta u sheegay in sababta ay go’aankaa u qaateen uu yahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen faafitaanka caabuqa Coronavirus, kaddib markii la xaqiijiyey in 2 kiis laga helay Degmada Mandheera.

Guddoomiyaha ayaa tibaaxay in tillaabadan ay u qaadayaan ka hortag ahaan, maadaama ay labada magaalo oo aad iskugu dhowi aad u macaamilaan.

Somalia ayaa ilaa iminka laga helay ilaa 8 kiis, marka ugu yaraan la eego tirada dadka la baaray, halka Kenya ay aad uga kiisas badan tahay, iyadoo DF horay u joojisey duullimaadyadii caalamiga ahaa iyo jaadkii ka iman jirey Kenya.

Hadalsame Media