MUUQAAL NAADIR AH: Covid-19 oo keenay weji aadan abid ka filateen macaamilka Somalia & Kenya + Sawirro

0

(Lamu) 08 Abriil 2020 – Ciidamada Badda Kenya ee ku sugan saldhig ku yaalla Lamu oo aad ugu dhow xadka Somalia-Kenya, ayaa halkaa ku gubey Jaad fara badan oo loo wadey dalka Somalia.

Wararka halkaa ka imanaya ayaa sheegaya in Jaadka lagu siday labo Doonyood, waxaana ka hadlay wakiilka Kenya ee mandiqaddaasi, Irungu Macharia oo tilmaamay in ay kooxihii Qaadka tahriibinayey ay sheegteen inay dhir la isku daweeyo u wadaan magaalada xadka ku taalla ee Kiunga, balse ay iyagu xogta dhabta ah sii hayeen.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay inay dhaqan gelinayaan istaraajiyadda lagu yareeynayo faafitaanka Covid-19 oo ay ku jirto in la hakiyey isu socodka labada dal.

Jaadka la qabtay ayaa la sheegay inuu ku kacayo adduun lacageed dhan KSH25 milyan oo ah lacagta Kenya.

DF Somalia ayaa sidan oo kale gegada Aadan Cadde waxay ku gubtey Jaad qaab tahriibin ah lagu gelin rabey magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka u dhow.

Si kastaba, waa sennaariyo cusub in la arko Kenya oo gubaysa Jaad u socda Somalia, waana wejiyada cusub ee uu caalamka kusoo kordhiyey caabuqa corona.


Hadalsame Media

Facebook Comments