RASMI: DF Somalia oo xaqiijisay geeridii ugu horreeysey ee la xiriirta Covid-19 ee dalka ka dhacda

0

(Muqdisho) 08 Abriil 2020 – DF Somalia ayaa xaqiijisay qofkii ugu horreeyey ee dalka gudihiisa ugu dhinta caabuqa Covid-19.

Wasiirka caafimaadka dalka Drs Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in qof ka mid ah dadkii laga helay cudurka covid19 uu u geeriyooday galabta.

“Ilaahay ha u naxariistee waxaan xaqiijineynaa geerida qofkii u dhintay cudurka COVID 19, Waxaa kaloo isla galabta la xaqiijiyay 4 xaaladood oo cudurka ah.

Fadlan raaca talooyinka caafimaad, si cudurka loo xakameeyo” ayay tiri wasiir Fowsiya oo u warrantay SNTV.

Qofka dhintay ayaa lagu sheegay oday 58-jir ahaa oo aan dalka dibedda uga bixin, kaasoo 10 maalmood ku xanuunsanayey Muqdisho.

DF ayaa sidoo kale xaqiijisay inay maanta soo kordheen 4 kiis oo cusub oo ah caabuqa Covid-19.

Hadalsame Media