Caabuqa Covid-19 oo ku faafa hab aan horay loo sii ogayn (Baaritaan naadir ah oo lagu bilaabay)

0

(Linköping) 08 Abriil 2020 – Caabuqa Covid-19 ee caalamka dhulka la galay ayay maalinba xog cusubi kasoo baxaysaa.

Waxaa awal la xaqiijiyey inuu caabuqani ku fido hawada iyo taabashada, yeelkeede, waxaa haatan soo baxday aragti cusub oo sheegayaa inuu fayrusku sidoo kale saxarada soo raaco.

Prof Lenart Svensson oo ku takhasusay mulikiyuullada fayruska waxna ka dhiga Jaamacadda Linköping oo ku taalla Sweden, ayaa xaqiijiyey inay iminka tuhmayaan inuu cudurku sidoo kale saxarada raaco isla markaana ay taa baaritaan iminka ku bilaabeen.

Wuxuu xeeldheeruhu sheegay in taxa RNA ee fayrusku uu raaco saxarada qofka qaba Covid-19, sidaa darteed, ay iminka baarayaan unugyo uur ku jir ah oo ay kasoo talaalayaan ama dheegayaan mindhicirrada dadka nool si ay arrintan u hubiyaan.

Prof Svensson ayaa tijaabadan ku sheegay mid horseed ah, maadaama buu yiri ay awal baaritaannada noocan ah u adeegsan jireen unugyada uur ku jirka ah ee mindhicirka daanyeerka.

Hadalsame Media