Imaaraadka Carabta oo gargaar caafimaad ka dejiyey Hargaysa & Boosaaso + Sawirro

0

(Muqdisho) 08 Abriil 2020 – Waxaa maanta subixii hore Gegada Diyaaradaha Hargeysa iyo midka Boosaaso ka degey laba diyaaradood oo xamuul ah oo siddey gargaar ka yimid Imaaraadka Carabta.

Diyaarada oo caga-dhigatay garoonka caalamiga ee Cigaal ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay siday gargaar caafimaad oo uu Imaaraadka ugu deeqay Somaliland.

Gargaarkan ka degey magaalada Hargaysa ayaa isugu jira daawooyin iyo agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaana la wareegtey, jeer ay Somaliland xaqiijisay labo kiis oo ah cudurka COVID-19.

Dhanka Puntland, Wasiirka Caafimaadka Puntland, Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa goor dhawayd Garoonka Diyaaradaha Boosaaso kula wareegey gargaar ka yimid Imaaradka Carabta.

Deeqdan ayaa iskugu jirta qalab caafimaad oo lagula tacaalo caabuqa caronavirus, waxaana ka mid ah shaybaarka lagu baaro cudurka, sida uu warku sheegayo.

Hadalsame Media