CABSIDA CAABUQA: Labada dal ee bedelaya Talyaaniga & Spain oo la calaameeyay

0

(London) 07 Abriil 2020 – Kiisaska caabuqa corona ee labada dal ee Talyaaniga iyo Spain ayaa haatan soo yaraanaya, iyadoo ay markii ugu horreeysey dadka soo kabanayaa ay ka badan yihiin kuwa soo dhacaya ee uu cudurku haleelay.

Yeelkede, waxaa jira walaac ah in UK iyo Maraykanku ay dhaqse hoggaanka ula wareegayaan marka la eego heerka geerida oo aad usii sara kacaysa.

Tirakoob uu sameeyay Financial Times ayaa soo jeedinaysa in Britain ay u muuqato mid uu garaafku qoton sare ku socdo si weliba ka daran dalka uu cudurku haaraha u yeelay ee Talyaaniga.

Halka Maraykanka lagu wado inuu noqdo ”dalka ugu daran dunida oo idil” marka la eego qaabka deg degga ah ee uu cudurku ugu faafayo iminka.

Maraykanka oo haatan diiwaan geliyey 367,650 oo kiis ayaa wuxuu ku laba-laabmaa dalka ku xiga ee Spain oo taagan 136,675 oo kiis.

UK waxay geeridu Isniintii dhaaftay 5,000 oo qof, – waloow ay geerida maalinlaha ihi dhacday maalintii 2-aad oo xiriir ah – kaddib markii ay 621 gaartey Axaddii iyo 708 ay Sabtigii ahayd.

Hadalsame Media