(London) 07 Abriil 2020 – Xarunta Xukuumadda Britain ee Downing Street ayaa ku adkaysanaysa in Boris Johnson uu weli yahay hoggaanka dalka, jeer uu hardan kula jiro coronavirus iyadoo xalay loo qaaday qaybta Daryeelka Deg degga ah ee ICU ee isbitaalka St Thomas’ ee London.
Michael Gove ayaa qiray in ay ”cabsiyi ka jirto” in Boris Johnson loo qaado qaybta ICU, isagoo sheegay inay kulankoodii maanta caafimaad ugu rajeeyeen.
Wasiir Dibaadeedka Dominic Raab ayaa loo asteeyay inuu sii wadayo howl-maalmeedyada la xiriira wargelinta dadwaynaha ee caabuqa corona isagoo durba saaka howshaa la wareegey, balse looma wada dhiibin awoodaha guud sida amaanka qaranka, furaha nukliyeerka iwm.
Yeelkeede, waxaa Downing Street ka taagan waxa dhacaya haddii uu RW Boris sii shaqayn waayo iyo xitaa haddii uu xilku kasii wareego Mr Saab, maadaama aanay Britain lahayn hab cad oo awoodda loo kala dhaxlo, sida Maraykanka iyo dalal kale.
Qiyamka Mr Raab u sawiraya ninka koowaad ee xilka sugaya ayaa muran iyo khilaaf gudeed qaboow ka dhex oogey xukuumadda, iyadoo ay hankooda muujinayaan Wasiirrada Michael Gove, Rishi Sunak, Priti Patel, Matt Hancock iyo rag kale oo xilka u wada hanqal taagaya.
Lambar 10 ayaa sidaa darteed iminka laga sugayaa inuu maalmaha xiga khariidad u sameeyo jidka la raacayo haddii Mr Johnson iyo Wasiirrada kale ee sare ay shaqada wadi kari waayaan.
Halkan hoose ka eeg sida ay Wasiirradda UK u kala horreeyaan:
How are ministers ranked?
Hadalsame Media