Labada dal ee ugu daran kuwa uu la degey caabuqa Covid-19 oo soo kabasho muujinaya (Arag tirakoobka)

0

(Roma) 06 Abriil 2020 – Talyaaniga ayaa Axaddii shalay ahayd laga diiwaan geliyey dhimashadii maalinlaha ahayd ee ugu yarayd muddo ka badan 2 todobaad, waxaa sidoo kale maalintii 2-aad oo xiriir ah hoos u dhacayey bukaannada u baahan daryeelka gaarka ah (IC).

Waaxda Fayadhowrka Madaniga ah ayaa shalay sheegtay inay dhinteen 525 oo qabey caabuqa COVID-19, waana tiradii ugu yarayd tan iyo 19-kii Maarso oo la diiwaan geliyey 427 dhimasho.

“Waa war fiican, balse ma aha inaanu is dhiganno,” ayuu yiri Madaxa Waaxda Fayadhowrka Madaniga ah Angelo Borrelli.

Isbitaalka wayn ee Roma ee Spallanzani Hospital ayaa isna sheegay in bukaanno raystay oo ka badan kuwa la keenayo laga saarayo isbitaalka markii ugu horreeysey tan iyo bilowgii caabuqan ee dalkaasi.

Dhanka kale, Spain ayaa maanta sheegtay inay dhinteen 637 qof, balse waa maalintii 4-aad oo ay hoos u dhac samaynayso tirada geerida Covid-19, waloow ay geerida guud marayso 13,055, waana dalka 2-aad ee ugu geeri badan dunida oo idil, isagoo ku xiga Talyaaniga oo ay ilaa haatan ka dhinteen 15,887.

Hadalsame Media