Cidda ay ka degi la’dahay siyaasadda Somalia oo farta lagu fiiqay (Talooyin lasoo jeediyey)

0

(Hadalsame) 06 Abriil 2020 – Dhibka Soomaaliya ka jira waa Xoolo Dhaqatada Xukunka Heysata 1960kii ilaa hadda.

Ma og tahay Soomaaliya iney tahay waddanka dunida ugu caansan ee ay Xoolo Dhaqato hoggaamiso? South Sudaanna ay noqotay waddanka soo labeeya?

Madaxweyneyaashii Soomaaliya 1/7/1960 ilaa 2020
Mad. Adan Cabdulle Cisman (AUN) Xoolo Dhaqato
Mad Cabdirashid Cali Sharmaarke (AUN) Xoolo Dhaqato
Mad Maxammed Siyaad Barre (AUN) Xoolo Dhaqato
Mad Hore Cali Mahdi Maxammed Xoolo Dhaqato
Mad Hore Cabdulqasim Salad Xasan Xoolo Dhaqato
Mad Cabdullahi Yusuf Axmad (AUN) Xoolo Dhaqato
Mad Hore Sharif Shekh Axmad Xoolo Dhaqato
Mad Hore Xasan Shekh Maxamud Xoolo Dhaqato
Mad Hadda Maxammed C/hi Formaajo Xoolo Dhaqato

Mad Ku Xigeenno 1969 ilaa 1990
Mad Xigeen Maxamed Cali Samatar (AUN) Xoolo Dhaqato
Mad Xigeen Xuseen Kulmiye Afrax (AUN) Xoolo Dhaqato
Mad Xigeen Ismaaciil Cali Abokar (AUN) Xoolo Dhaqato

Ra’iisulwasaareyaal 1/7/1960 ilaa 2020
R/W Cabdullahi Ciise Maxamud (AUN) Xoolo Dhaqato
R/W Cabdirashid Cali Sharmaarke (AUN) Xoolo Dhaqato
R/W Cabdirisaaq Xaji Xuseen (AUN) Xoolo Dhaqato
R/W Maxammed Cali Samatar (AUN) Xoolo Dhaqato
R/W Maxammed Xawaadle Madar (AUN) Xoolo Dhaqato
R/W Hore Cumar Carte Qaalib Xoolo Dhaqato
R/W Hore Cali Khalif Galleydh Xoolo Dhaqato
R/W Hore Xasan Abshir Faarax Xoolo Dhaqato
R/W Hore Maxammed Cabdi Yuusuf Xoolo Dhaqato
R/W Hore Cali Maxammed Geedi Xoolo Dhaqato
R/W Nur Xasan Xusen (Nur Cadde) (AUN) Xoolo Dhaqato
R/W Hore Cumar C/shid Cali Sharmaarke Xoolo Dhaqato
R/W Hore Maxammed C/hi Formaajo Xoolo Dhaqato
R/W Hore Cabdiweli Cali Gaas Xoolo Dhaqato
R/W Hore Saacid Dahir Saciid Xoolo Dhaqato
R/W Hore Cabdiweli Shekh Maxammed Xoolo Dhaqato
R/W Hore Cumar C/shid C Sharmaarke Xoolo Dhaqato
R/W Hadda Xasan Cali Kheyre Xoolo Dhaqato

Sidee u aragtaa in hoggaanka waddanka ka bilow Madaxweyne, R/wasaare, wasiirro, taliyeyaal ciidan, ilaa iyo agaasimeyaal in lagu wareejiyo dad uu asalkooda ka soo jeedo beeraley, kalluumeysato iyo farsamo yaqaanno muddo toban sano ahna la arko isbeddelka ay dalka u keenaan? Sida ay waddanka u horumariyaan? Sida ay siyaasadda u xalliyaan? Iyo sida ay hormuud uga noqdaan ilbaxnimada iyo xadaaradda qunyar socodka ah ee aynu u baahan nahay? Sow ma habboona inaan isbeddelka dhinacaa ka baadi doonno? Aniga wexey ila tahay iney Soomaaliya wax weyn iska beddeli lahaayeen.

Waxaa Qoray: Siyaasiga Cali C Cosoble

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media