DAAWO: Shiinaha oo la sheegay inuu qarinayo caabuqa Covid-19 oo kusoo laba kacleeyay

0

(Beijing) 06 Abriil 2020 – Falanqeeyaha Aasiya ee Gordon Chang ayaa Fox News u sheegay in ay jiraan astaamo muujinaya inuu Shiinuhu la hardamayo moowjad labaad oo ah caabuqa Covid-19 oo soo laba kacleeyay.

Weriyaha Fox News ee Jon Scott ayaa Chang waydiiyey, “Rasmiyan, wuxuu Shiinuhu leeyahay ma jiraan kiisas cusub oo laga helayo Wuhan. Miyaan aamini karnaa?”

“Sidaa ma qabo, Jon,” ayuu Chang ku af-celiyey.

“Waxa runtii walaaca lihi waa inuu cudurku u gudbey magaalooyinka kale, tusaale, Shanghai, Beijing, waxaa ka jiri kara kiisas aanu Shiinuhu ka hadlayn,” ayuu raaciyey Chang.

Chang oo jawaabtiisa sababaynaya ayaa sheegay in  Shanghai, oo dadka loo furay goobaha dalxiiska iminka dib loo xirey 3-4 maalmood ee tegey kaddib markii ay todobaad uun furnaayeen.

Forbes ayaa dhamaadkii Maarso sheegay dib u xirista goobaha dalxiiska ee Shanghai, halka Politico uu sheegay todobaadkii hore in magaalo boqollaal mayl galbeed ka xigta Shanghai oo ay 600,000 ku nool yihiin, iyada oo idil la karaantiilay kaddib markii uu ka dillaacay caabuqa coronavirus.

Hannaanka Hantiwadaagga ah ee Shiinaha ayaa lagu eedeeyaa inuu caadiyan ka been sheego gebi ahaanba wacaalka ku saabsan Covid-19 ee dalkiisa, sida tirada kiisaska, geerida iyo xitaa halka uu cudurkani ka yimid iyo waxa keenay.

Hadalsame Media