Cabsi la xiriirta caabuqa Covid-19 oo kasoo cusboonaatay caasimadda dalka (Kiis naadir ah)

0

(Muqdisho) 06 Abriil 2020 – War cabsi leh ayaa naga soo gaaraya magaalada Muqdisho, kaasoo uu xaqiijiyey Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Maxamed Siciid Cabdullaahi oo ka warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee cudurka Coronavirus.

Wasiirka oo la hadlayey Idaacadda Mustaqbal, ayaa  sheegay inay hayaan kiiskii ugu horreeyey ee COVID-19, oo aan ka imaan dalka dibaddiisa.

Wasiir Siciid ayaa tilmaamay in qof ku nool magaalada Muqdisho oo Soomaali ah laga helay cudurka, kaasoo haatan ku jira karaantiilkii 14-ka cishe ahaa, isagoo sidaa darteed, dadwaynaha ugu baaqay inay digtoonaadaan.

“Waa kiiskii ugu horreeyay oo gudaha laga helo ee aan ka iman dibedda,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka caafimaadka Somalia.

Wasiirka ayaa xaqiijiyey in kiisaska guud ee Somalia ay ilaa haatan yihiin 7 kiis oo ay 2 ka tirsani ajnabi yihiin, halka uu hal qof ka raystay cudurka, yeelkeede, dad badan baa qaba inay taa aad uga badan yihiin balse aan xog laga haynin.

Hadalsame Media