DAAWO: ”Galmudug waa hal ee laba maaha!” – Xaaf oo si rasmi ah u sheegay tillaabada xigta ee uu qaadayo

0

(Dhuusamareeb) 06 Abriil 2020 – MW hore ee Maamul-goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ka mid ahaa raggii kasoo hor jeedey doorashada Md Qoor Qoor ayaa maanta soo gaarey magaalada Dhuusamareeb.

”Waxaan u tanaasuley shacabka Galmudug. Waxaan reer Galmudug iyo Soomaalidaba u sheegayaa in khilaafku fidno yahay, fidnaduna ay dilka ka daran tahay,” ayuu yiri Xaaf.

”Wax badan ma maqnaynoo in yar oo kululaysi ah ayay ahayde, odaygii waa tanaasuley dhaha ee waa la tuuray yaan la oran,” ayuu ku kaftamay.

”Ilaahay waxaan ka rajaynayaa Galmudug inay raysato” ayuu Alle ka baryey Xaaf oo sheegay inuu hadda kaddib geed fadhi u noqon doono dhismaha iyo horumarka Galmudug. ”Galmudug waa mide laba maaha, saacaddan laga bilaabo,” ayuu raaciyey.

Weli ma jiraan qodobbo rasmi ah oo kasoo baxay shirka ay maanta Dhuusamareeb ku yeesheen, balse wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya inay wax kastaahi dhan yihiin.

Hadalsame Media