Sawirka ninka duubay muuqaalka qofka la gubayo oo la helay (Fadlan arag oo haddaad BAHALKAA garanayso ku wareeji nidaamka)

0

(Wanlawayn) 06 Abriil 2020 – Waxaa shalay baraha bulshada qabsaday muuqaal uu ka muuqdey ficil bahalnimo ah oo ku saabsan qof markaa mayd ah oo la gubayo, kaasoo aan la ogayn in isagoo nool la saaray iyo in kale, balse xitaa anshax xumo iyo damiir la’aan wayni ka muuqato xitaa haddii uu mayd ahaa.

Sawirka hoos ka muuqa oo aan si fiican u muuqan ee ninka afka duuban waa nin la sheegay inuu isu ahaa ninka soo duubey muuqaalka soona geliyey qofka Soomaaliyeed ee lagu gubey Wanlaweyn.

Dadka nuucaan ihi waa SUN HALIS ah waxaana caalamka looga yaqaanaa CADOW DADWAYNE ka dhan ah nolosha aadanaha guud ahaan, xitaa qofka uu u nisba sheeganayo ama sheeganayo inuu difaacayo ayay tahay inuu iska fogeeyo oo iska jiro, waxaana loola dagaallamaa si ka baxsan sharciga iyo qawaaniinta aadanuhu degsadey.

Nasiib darro dadka bahallada ah ee noocaan ah Soomaaliya waa lagu dhaartaa waxaana lagu tilmaamaa ”geesiyaal,” waxaana ay ugu dambeyn ay sabab u noqdaan halisna geliyaan badqabka bulshadooda, sumcad, damiir iyo nafba.

Waxay dadka nuucaan ah bulshadooda dhaxal siiyaan, aano aan harin, magac xumo, inkaar, barakac iyo aafooyin kale sida cudurro iyo abaaro.

Dadka nuucaan ah oo uu cilmi nafsigu u yaqaanno PSYCHOPATHS ka xun bahalaha dadka cuna waana ma naxayaal, ma shallaayeyaal, ma damqadayaal ay waajib tahay in Soomaaliya laga suuliyo loona arko SUN HALIS AH ee aan ehel iyo xigto laga dhigan.

Guriga iyo xaasaska ay ka agtoosan dadka noocaan ah ee raalliga ka noqda inay qofka noocaas ah iyagoo og sidaa kula noolaadaan, waa halis kale waayo waxay soo saaraan waa suntii bahalkaas oo kale.

Waxaad sidoo kale soo sheegi kartaa qof kasta oo falka gacantiisa ku fuliyey, min kan hindisahan keenay ilaa kan dabka shiday ama qofka/maydka saaray.

DF Somalia, maamulka KG Somalia waa inay u istaagaan soo qabashada cid kasta oo ku lug yeelata falkan, sidoo kale maamulka Degmada Wanlawayn ee arrintan eegtay ilaa ay heerkan gaartey amaba xitaa ku lug yeesha waa in lagula xisaabtamaa oo tillaabo adag oo tusaale ah laga qaadaa.

 

 

Waxaa Qoray: Maxamed Odawaa & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media