Talo la siiyey madaxda Maamul-goboleedka Galmudug + Sawirro

0

(Hadalsame) 06 Abriil 2020 – Waan ku faraxsan ahay Madaxweyne Xaaf oo marnaba aan shaki gelin imaatinkiisa Xarunta Galmudug in uu maanta ka dhabeeyay qowlkiisa.

Wuxuu muujiyay mas’uuliyad u dan ah horumarka dadweynaha Galmudug iyo hanqaadka Dowladnimadooda.

Madaxweyne Qoorqoor waxaa hadda hor yaalla howsha adag ee ah sida uu uga miro dhallin lahaa fursadda uu haysto heer Galmudug iyo heer Federaal oo ah mid aan soo marin Madaxweyne isaga ka horreeyay.

Waa isku wadidda iyo ka wada shaqeysiinta intii la wadday ololihiisa doorashada, inta aqbashay doorashada ka dib lana garab taagan taageerada iyo guud ahaanba siyaasiyiinta iyo dadweynaha Galmudug.

Waxaan u hambalyeynayaa cid kasta oo gacan ka geysatay tallaabada ay maanta qaadeen Madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor iyo Madaxweynaha xilka wareejinaya Xaaf, taas oo ah tallaabo ay hore u qaadday Dowladnimada Soomaaliya.

Galmudug way dhaqaaqday. Waxaan rajeynayaa in ay hore-u-socodka joogteyso.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media