Sida hal go’aan oo aad qaadato u beddeli karo hab-socodka taariikhda

0

(Hadalsame) 04 Abriil 2020 – Dalka Mareykanka ayaa sannadkii 1955-kii, xilli galab casar liiq ah gabar madow dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Rosa Parks soo raacaysaa bas.

Rosa waxa ay ka shaqeyneysay dukaan yar oo dharka lagu tolo, oo waxa ay ahayd dawaarle ama harqaanle.

Shaqadeeda ayaa ay kasoo rawaxday, waxa ayna u socotay gurigeeda, markii ay baska soo fuushay ayay fadhiisatay kursi markaas bannaanaa, in yar kaddib waxaa baska soo fuulay nin caddaan ah, horteeda ayuuna soo istaagay si ay kursiga ugu banneyso. Xilligaas dalka Mareykanka waxaa jiray xeer sheegaya in dadka madowga ah ay waajib ku tahay in ay kuraasta ugu kacaan dadka caddaanka ah marka la joogo goobaha dadweynaha sida basaska, isbitaallada, iskuullada ama meelaha lagu nasto. Waqtigaas Mareykanku waxa uu hoy u ahaa cunsuriyad iyo takoor aad u daran.

Rosa waxa ay qaadaneysaa go’aan geesinimo leh, kaas oo sabab u noqon doona in malaayiin madow reer Mareykan ah, ay ka baxaan takoorka iyo dulleysiga ay ku noolaayeen. Waxa ay goosaneysaa mowqif ah in aysan kursiga uga kicin ninka caddaanka ah, waxa ayna jebineysaa qaanuunkii dulmiga iyo jowr falka ku dhisnaa ee sannadihii kontomeeyadii ka jiray dalkeeda.

Dadkii caddaanka ahaa ee baska saarnaa ayaa ku kacaya, darawalkii baska waday ayaa joojinaya, waxa uuna ku qasbayaa in ay booska ninkan uga kacdo ama ay baska ugu dagto. Waa ay diideysaa, halkeedii ayayna sii fadhinayaa. Kaddib waxaa goobta soo gaaraya booliiska waana ay qabanayaan, waxa ayna u gudbinayaan maxkamadda. Waxaa lagu xukumayaa in ay bixiso ganaax lacageed, balse waa ay diideysaa, dabadeed na waxaa loo kaxaynayaa xabsiga.

Dadkii madowga ahaa ayaa ku dhiirranaya in ay bilaabaan bannaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan midab takoorka ka dhanka ah gaadiidka dadweynaha, dibadbaxu waxa uu socday 381 maalmood, ilaa uu soo baxay go’aankii Maxkamadda Sare ee Washington sannadkii 1956kii, kaas oo mamnuucayey midabtoorka lagu sameeyo basaska, Kaddib sannadkii 1964tii waxaa soo baxay Sharciga Xorriyadaha Madaniga kaas oo mamnuucayey takoorka ku saleysan jinsi oo idil.

Waa hal gabar oo qaadatay hal go’aan, kaas oo beddelay habsocodka taariikhda, go’aan malaayiin dadka ah xoreeyey oo aqoonsi u horseeday.

Rosa waxa ay geeriyootay sannadkii 2005tii.

Diyaarintii: Cabdullaahi Baabal

Hadalsame Media